Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada oo Eedeymo u jeediyey Guddoomiye Cirro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada oo Eedeymo u jeediyey Guddoomiye Cirro.
February 9, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS ;Guddoomiye wakhtigu maalinba waa cayn, maalina adiga leh, maalina saaxiibka ayaa leh, ragganimo samee oo golaha Barri fur”Cabdiraxman Dheer.

Guddoomiyaha waxaan leeyahay  mooshin ay saxeexen  57 xildhibaan way yartahay mudada aad ka warwareegikarto.”

Hargeysa(Wjn) Xildhibaan Cabdiraxman Cisman Caalin (Cabdiraxman dheer) iyo Xildhibaan Garyaqaan Maxamed Jaamac oo ka mid ah  koox xildhibaano ah oo shirjaraa’id ku qabtay Hotel Xaraf ayaa si kulul u nadiyey guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (cirro) waxayna ku eedeyen in uu sharcigii golaha wakiilada u yaalay uu jabiyey, waxa kale oo ay  sheegen in qalalaasihii golaha wakiilada ka dhacay uu masuul ahaa guddomiyuhu.

Xildhibaan Cabdiraxman Cisman Caalin oo ugu horeyn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa guddoomiyaha golaha wakiilada ugu baaqay in uu ogolaado mooshinada golaha horyaal in codm loo qaaddo oo aanu ka warwareegin.

Waxaanu yidhi.“Mooshinkan Golaha aanu horkeenay waxa uu ahaa in Guddomiyaha Golaha wakiilada codka lagu ridayo aanu  ka dhigno 42 cod, sidii aanu hore uga dhignay labbada Guddomiye Ku-xigeen, arrintaasi hore waxa u soo saxeexay guddida joogta ah ee golaha wakiilada, lakiin guddoomiyuhu waxa uu eryey afar xubnood oo ka tirsan gudida joogta ah, anagiina Kamanan hadal afartaasi xubnood ee la eryey, goluhu wuxu ku caano maalay in wixii la horkeenayba Cod loo qaaddo guddomiyuhu wax muuqata in siffo sharcidaro ah uu golihii ku xidhay, mooshinkan wax saxeexay 57 xildhibaan.”Ayuu yidhi

 

Isaga oo hadalkiisa  sii watan waxa uu yidhi. “Anagu maanan bixin, ee guddoomiyah ayaa fadhigii ka baxay inta uu golihii xidhay, markii uu baxay  buuqna maanan sameyn, waxaanu doonaynay haaddii uu guddoomiyuhu ka baxo in aanu fadhiisano oo guddomiye ku-xigeenka uuna shirka guddoomiyo oo shirku halkiisi ka sii socdo, waad arkayseen wixii golaha ka dhacay qasbaa laga sameyey, kuraastiiba la jajabiyey, kuraasidii ayaa meeshii laga qaaday, laydhkiiba la bakhtiyey, xaata shaqaalihii ayaa la isticmaalay, markii ay arrintaasi dhacday xildhibaano halkan fadhiya iyo qaar kaleba waxay u tageen guddomiyaha.”Ayuu yidhi.

Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi. “waxaanu ku nidhi guddoomiye maalmahan golaha mooshin ka dhalanayey codkana goobta loogu qaadayey, wakhtigu maalinba waa si maalin adiga leh maalina saaxiibka ayaa leh, arrintu haaddii ay maanta sidan u dhacday in aad ka galgalato may ahayne, in aad xaqiiqda waajahdo ayaa waajib kugu ah, anagu in buuq danbe meeshasi ka sii dhasho dooni mayno, mudada aad hortagaanan kartaa mooshinka ay 57 xildhibaan ay soo saxeexen way yartahay, waxaanu doonaynaa in aad shirkii aad furto barrito, oo shirkii sidiisi  u socdo waxaan leeyay waa in barri la ansixiyaa labadii mooshinba, waxaan ku leeyahay guddomiye waa in aad raganimo sameysaa oo aad ku dhiirta in mooshinkaasi codka loo qaaddo sidii shalay aad ugu dhiiranaysay oo kale oo aanad  ka baqanin raganimo samee ayaan ku leeyahay, guddomiyuhu wuxu nagu yidhi haaddii illahay yidhado shirkii barri ayaan furayaa, doodiina waan bilaabaya.”Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxman Dheere.

Xildhibaan Garyaqaan  Maxamed Jaamac oo isaguna halkaasi ka hadlay wax uu yidhi. “Mooshinada la soo jeediyey runtii golaha wax horyaal arrimo faro badan  wakhtigii doorashada ayaa taagan oo xeerarkii doorashooyinka ayaa yaala, wax jira xeerar kale oo la ansixinayo sidda xeerkii bananka way badan yihiin khilaafadkayga dhexdeyda yaala waa ka mid in aanu xalino, arrimahasi oo dhan in muddo saddex todobaad ah u qaadano waanu soo jeedinay, guddoomiyuhu waxay ahayd in haaddii fikrad kale jirto, uu yidhado waar arintaasa loo soo jeediye yaa fikir  kale qaba, ma odhan wax jawaab  ahna nama siin, dhabarkiisu dhigay tii kalebuu u gudbay, markii guddida joogta ahi u gudbisay wax uu ku yidhi haaddii aanu guuddoomiyaha gudida joogta ahi idinla qabin ansixin mayo oo guddomuyhuna waa xisbiga Waddan oo aynu garnayno, marka golaha wax baabinay waa Guddomiyaha, wax aan u sheegay guddoomiyaha arrimaha in uu golaha ku maamulo cadaalad, shacabka Somaliland waxaan leeyahay dhibaato ma jirtee hamaqlin dadka durbaanka colaada tumaya.”Ayuu yidhi

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS