Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo loo qaybiyay Xeer-ka xakamaynta AIDS iyo Xildhibaano ka mid ah Golaha oo Xaaran Ku tilmaamay Hoos u dhigii Awooda labbada guddomiye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo loo qaybiyay Xeer-ka xakamaynta AIDS iyo Xildhibaano ka mid ah Golaha oo Xaaran Ku tilmaamay Hoos u dhigii Awooda labbada guddomiye.
February 1, 2014 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)-Fadhigii ay yeesheen golaha wakiilada somaliland oo uu shir-guddoominayay guddomiyaha golaha wakiilada mud c.raxmaan cabdilaahi (ciro) oo ahaa mid ka jaw duwanaa kuwii ay hore u yeelan jireen golaha ayaa waxaa maanta laga saadaalinayay in ay xildhibaanadu ka hadlaan arinkii labbada guddomiye balse arinkan ayaan noqon mid uu guddomiyahu soo bandhigo, iyada oo uu muddanayaasha u qaybiyay xeerka guddida qaranka ee xakamaynta AIDS qabyo qoraalkiisi u danbeeyay, kadib waxaa uu xildhibaanada guddomiyahu ka codsaday inay soo akhriyaan si ay baritole gacantaag ugu sameeyaan halkaasna uu fadhigii ku xidhmay, jawga madasha golaha oo aad uga duwaneyd jawyadii hore ayaa kadib xidhtaankii fadhiga saxaafadu wax ka waydiisay marxaladii awooda looga dhimay labbada guddomiye mid ka mida xildhibaanada golaha wakiilada mud.

C/qaadir jaamac dhunkaal waxaana uu sheegay in uu ka xunyahay in hoosta la soo fadhiisiyo guddomiyayaasha 42cod lagaga qaado waxaana uu yidhi “ xaraan ayay ahayd in 42cod lagaga qaado wax macquulana may ahayn sharcina may ahayn wax jirana may ahayn khal-khal golaha la galiyay ayay hayd waana laga saarayaa” ayaa uu yidhi xildhibaanku Mar ay warbaahintu wax ka waydiisay warbaahintu in ay wax ka jiraan ansixinta iyo codka looqaday

guddomiyayaasha ayaa waxaa uu ku jawaabay “ sharciyada anagaa saxayna , marka horta soo jeedin loo jeedo labba muddana hadlaaya mid walna hawshisa waa la dhagaysanayaa, balse midab takoor ayaa lagu sameeyay mid ka mida muddanayaashi so jeedinayay waxaa u uxaqu yahayna in labbada muddane lawada dhagaysto lakin mid kaliya ayaa la dhagaystay sidaas ayaana ay xaqdaro ku tahay, lakin waxa ay golahu ansixiyeen waanu isku waafaqsanahay waana go’aan gole, lakin midab takoor in lagu kala sameeyo shir-guddonka ayaa aan cadaalad ahayn , sida uu distoorku dhigaayana hal sharciyad ayay wada leeyahiin ma kala sareeyaan shir-guddonku markaa maaha in saqajaan saqajaan la sameeyo ee waa laga fiicanyahay, waxaanu ka soo horjeednaana waa soo jeedintii balse waxii qornaa waanu isku raacsanahay

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAILwajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS