Waxaanu Golaha Horkeenayna Mooshin Maamus kaxayuubin ah oo ka dhan ah Madaxweynaha oo jabiyey Datuurka Qaranka”Xil.Bashiir Tukaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxaanu Golaha Horkeenayna Mooshin Maamus kaxayuubin ah oo ka dhan ah Madaxweynaha oo jabiyey Datuurka Qaranka”Xil.Bashiir Tukaale.
February 9, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA WAJAALENEWS Xildhibaan Bashiir Sheekh  Xuseen  Tukaale oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ayaa Sheegay in ay Golaha Horkeenayaan Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland, mooshinkaasi oo uu sheegay in uu ku saabsan yahay Siddii madaxweynaha loogu diri lahaa Guddi caafimad oo soo baadha caafimadkiisa, isaga oo Xusay in haaddii gudidaasi ay cadeyso in madaxweynuhu xaaladiisa caafimaad anay fiicnayn ay Maamuska ka xayuubin doonan.
Xildhibaan Bashiir Tukaale wax uu sheegay in Madaxweyne Siillaanyo talada wadanku aanay gacanta ugu jirin, isaga oo hoosta ka xariiqay in wasiiro xukumadiisa ka tirsani ay talladii wadanka la wareegen.
Xildhibaan Bashiir Tukaale oo arrimahasi ka hadlayaa  waxa uu yidhi “Wali golaha wakiilada Somaliland kamay dhicin Saddex mooshin oo mar lawada keeno, hadana guddomiyaha goluhu wuxu muujiyey dulqaad oo dhammaan wuu wada akhriyey, lakiin waliba wax hadhsanaa mooshin kale oo afraad oo diyaar ahaa oo aanu golaha horkeenaynay, mooshinkaasina waxa uu ku saabsana madaxweynaha Somaliland oo jabiyey Distuurka qaranka Somaliland maadama talladi wadanku aanay gacantiisa ku jirin, markan guddi caafimadna loo saaro, haaddii guddidu sheegto in caafimadkiisu aanu wanaagsanay dee waxaanu soo dhigi doona In Maamuuska laga cayuubiyo.”Ayuu yidhi.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS