|
|||||
WAJAALE NEWS
Waxaan Ku Shaqeeyaa Oo Aan Kursiga Dhigtaa Geed Hoostii Oo Aan Dadka Ugu Garqaadaa Taasina Waa Caqabadda Noogu Wayn
February 24, 2014 - Written by Editor:SALAL(WAJAALENEWS) Guddoomiyaha Maxkamada Salal Oo Geed Hoostii Ku Qaada Dacwadaha Iyo Maxkamad La’aan Haysata Gobolka ‘Waxaan Ku Shaqeeyaa Oo Aan Kursiga Dhigtaa Geed Hoostii Oo Aan Dadka Ugu Garqaadaa Taasina Waa Caqabadda Noogu Wayn’ ‘Runtii Sida Kuu Muuqata Ma Haysano Dhamaanba Kaabayaashii Ama Adeegyadii Aanu Bulshada Ugu Shaqayn Lahayn’ Salal(Wajaalenews) Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Salal Sheekh Ibraahim Cabdi Faxal ayaa sheegay in uu dacwadaha iyo kiisaska soo mara ku qaado geed hostii, isla markaana ay gobolka haysto maxkamad la’aan oo aanay xaruntu lahayn haba yaraaree wax dhisme ah. Deegaankaas magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salal ayaa iyadu ah mid ka aradan dhinaca maamulka dawladnimo, iyada oo aanay ka jirin xarumo ama xafiisyo ay ku shaqeeyaan laamaha hay’adaha kala duwan ee dawlada, sida waaxda wasaaradda Cadaalada , waaxda diinta iyo awqaafta, waaxda garsoorka iyo kuwa kale ayaa masuuliyiinta ka jooga hay’adaha dawladda ayaa iyagu ay yihiin kuwo aan lahayn wax xarumo ama xafiisyo ah oo ay ugu shaqeeyaan bulshadda ay u adeegayaan, waxaanay taa bedelkeeda yihiin kuwo ku hawl gala geedaha hoostooda, sidoo kale ma jiraan meelo ama goobo ay dhigtaan qalabka ay ku shaqeeyaan. Hadaba mar aanu arrintan wax ka waydiinay Guddoomiyaha maxkamada Gobolka Salal Sh. Ibraahim Cabdi Faxal ayaa waxa uu noo sheegay inaanu haysan dhamaanba kaabayaashii uu ugu adeegi lahaa bulshada waxaanu tilmaamay in aanu haysan xafiis uu ku shaqeeyo isla markaana uu dacwadaha ku qaado geed hoostee. Guddoomiyaha maxkamada goboblka Salal isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Runtii sidaad halkan ba aad ku arkayso ee kuu muuqata ma haysano dhamaanba kaabayaashii ama adeegyadii aanu bulshada ugu shaqayn lahayn.” Sheekh Ibraahin, sidoo kale waxa uu tilmaamay inaanu haysan waxa xafiis ah oo uu ku shaqeeyo, isla markaana uu dacwadaha soo mara ku qaado geed hoostii “waxaan ku shaqeeyaa oo aan kursiga dhigtaa geed hoostii kadibna aan dadka ku kala xaliyaa uguna gar-qaadaa, taasina waa caqabadda noogu wayn ee naga haysata xafiis la’aanta waana ta igu kaliftay in aan gurigaygii ka dhigto xafiis aan ku kaydiyo Docomante-yadii iyo waraaqihii dacwadaha ee dadka loogu garnaqay.” Sh. Ibraahim Cabdi Faxal waxa kale oo uu sheegay in ay dhibaato wayn ku hayso agab la’aani, isla markaana ay ku kaliftay in waraaqaha dacwadaha ah uu ku soo daabacdo xarumaha shirkadaha gaarka loo leeyahay, “waxa kastaba waxa nagaga wayn oo ay dhibaatada ugu wayni naga haysaa waa qalab la’aan, isla markaana ma haysano meel aanu ku qoranno waraaqihii dacwadaha ee aanu dadka ku kala xaqayney oo waxaanu kolba soo barinaa xafiisyada ama xarumaha gaarka loo leeyahay, sida shirkadda Dahabshiil oo aanu ku soo daabacnaa wixii aanu ummadda u kala xaqaynay iyo wixii aanu isnidhaahno codsadaba.” Sh. Ibraahim waxa kale oo sheegay in uu tiraba dhawr jeer uu kala hadlay wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka Mudane Xuseen Axmed Caydiid isla markaasina uu codsiyo fara badan oo u ku dalabanayo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ka haysata xafiis la’aanta u qoray waxaana uu yidhi.”waxaan wasiirkayaga kala hadalnay in uu arrintan wax nagala qabto oo uu noo dhiso xaruntii wasaarada Cadaalada ee gobalka Salal ilaa hadana wax jawaaba oo aanu ka haynaa ma jirto.” Waxa kale oo gudoomiyahu intaasi raaciye “Anagu garsoor ayaanu nahay, shaqadayadu waxa weeye dacwadaha iyo dadkaas in aanu u garsoorno, oo aanay dacwaduhu raagin. Markaa dawladda waxaan u soo jeedinayaa oo aan ku baraarujinayaa dawladdu in ay u soo jeedsato garsoorka ma hayno xafiis aanu ku shaqayno,ma hayno gaadiid aanu raacno sidoo kale ma lihin qalab aanu ku shaqayno iyo meel aanu ummada ugu adeegno,markaa wax qalab ah oo ay xukuumaddu u samaysay ma jirto, markaa caqabada noogu weyn ee na hortaagani waa qalab la’aan.” By.Axmed Macalin WAJAALENEWS DESK EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:Daawo ;Cabdi Good Oo Hees Uu Qaado Fananka Bk Tooshka Ku Ifiyay Dabadana Soo Dhigay Khaladaad Suu... Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta qudbad taarikhi ah ka jeediyay Xarunta Qaramada mi... DAAWO;-Gabadh Reer Somaliland Ah Oo fagaare Madaxwaynaha Ruwanda Kaga Codsatay In Uu Aqoonsado Jsl! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|