Wasiiro Somaliland ah oo ka qayb galaya shir Dawladda Ingiriisku u qabanayso dhigooda Itoobiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiro Somaliland ah oo ka qayb galaya shir Dawladda Ingiriisku u qabanayso dhigooda Itoobiya
February 10, 2014 - Written by Editor:

Waxa lagaga hadlayaa dhaqaalaha iyo maamul wanaaga, waxana ka qayb galaya todoba wasiir

Hargeysa(Wajaalenews) Wefti culus oo wasiiro ah ayaa maanta u ambabaxaya safar ay ku tagayaan dalka Iyoobiya, halkaas oo ay kaga qayb galayaan shir Dawladda Ingiriisku wasiio labada Dal ee Somaliland iyo Itoobiya ku barayso Maamul wanaaga.

Wasiiradda Somaliland ee Shirkaas maanta u ambabaxaya waxa ka mid ah wasiirka Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shire, wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka Nimco Qawdhan iyo Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq maasuqa.

Wasiiradan oo galinka danbe ka ambabixi doona Hargeysa waxa ka hadhay wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan oo halkiisii uu buuxin doono sida la sheegay Agaasimihiisa Guud xasan Cabdi Madar, kaasoo ku sugan dalka Itoobiya.

Shirkan oo socon doona muddo laba maamlmood ah dhinaca Itoobiya waxa ka qayb gali doona wasiiro dhigooda ah, waxaana labadoodaba ugu deeqday Dawladda Boqortooyadda Ingiriiska taasoo soo qaban qaabisay Shirka, isla markaana ku barri doonta Maamul wanaaga iyo Madhxinta Dhaqaalaha.

Weftiga Somaliland waxa hogaamin doona Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Dr: Sacad Cali Shire

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS