Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Oo Si Faafaahsan Uga Waramey Shir Heer Caalami ah Oo Somaliland Lagu Casuumay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Oo Si Faafaahsan Uga Waramey Shir Heer Caalami ah Oo Somaliland Lagu Casuumay
February 1, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA WAJAALENEWS ;Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta u amababaxey dalka Koonfur Afrika si uu uga Qeyb galo Shirkaasi heerka Caalami

Hargeysa(WJN)-Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa, markii u horeysay faafaahin dheeraad ah ka bixiyay, Shir heer Caalami ah oo lagu maamuusey islamarkaana, si rasmi ah loogu martiqaadey Somaliland shirkaas oo ku sahabsan falanqeynta macdanta iyo kheyraadka Dunida oo lagu qabto dalka Koonfur Afrika kaas oo noqondoona Shirkii labaatanaad ee lagaga hadlo Macdanta.

Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta u amababaxey dalka Koonfur Afrika si uu uga Qeyb galo Shirkaasi heerka Caalami ah ayaa si faafaahsan uga Waramey heerka Shirkan iyo sida ay uga qeyb galeyso dunida Shirkadaha ugu waaweyn ee maalgashiga macdanta iyo khubarada ugu waaweyn Caalamka ee aqoonta u leh juqraafiyada iyo macdanta dalalka Aduunka,waxaanu Wasiirku hoosta ka xariiqey in Somaliland fursad weyn kla hjeli doonto Shirkan Caalamiga ah iyadoo martiqaadkani noqonayo kii ugu horeeyay ee Noociisa ah oo lagaga martiqaadey dhinaca Kheyraadka iyo Macdanta walow ay ka Qeyb galeen Shirar badan oo Dunida ka dhacey sida uu sheegay.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sidaa ku sheegay Shir jaraa,id oo uu maanta ku qabtey Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ka hor intii aanu ka amababixin dalka isagoo, si qoto dheer u iftiimiyay in ka Qeyb galka Shirkani door weyn u hyeelan doono dhinacyada ka faa,ideysiga Macdanta iyo kheyraadka dalka

Somaliland. “Waxaan maanta idiinku yeedhay inaan halkan ka sheego Shir heer Caalami ah oo Somaliland markii u horeysay lagu martiqaadey Shirkaas oo ah Shirkii labaatanaad ee lagu gorfeynayo Macdanta Aduunka oo lagu

qabanayo dalka Koonfur Afrika shirkan shirkii ka horeeyay waxa kazoo Qeyb galey dad gaadhaya sideed kun oo qof(8000) iyo ilaa kun iyo shan  boqol oo Shirkadood, waxa la filayaa shirkana in ay kasoo qeyb galayaashii hore ka bato dhinaca shirkadaha iyo dadka lagu martiqaadey,waana markii u horeysay ee Somaliland lagu martiqaado si meeqaam sare ah waxa kasoo qeyb galaya todoba iyo tioban dal oo Afrikaan Wasiiradooda,ictiraafka aynu raadineynaa iska iman mayo isagoo bileydh dahab ah saaran, waxa la inooga baahan yahey in aynu meel walba u marno oo Shior walba ka qeyb galno oo Shirarka caalamig ah ee noocan oo kale ah aad ka Qeyb gashaa”Ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

“Wey jireen runtii Shirar badan oo aanu ka qewyb galney oo ahaa Sirar Waaweyn oo wadamada Carabta iyo dalalka Afrika iyo Dunida kaleba lagu qabtey, kuwaas oo aan runtii laga aqoon markii hore Somaliland laakiin aan fursada uga faa,ideysaney oo aan Somaliland kusoo bandhigney sidaa daraadeed waxyaabaha aan doonayo inaan Shirkaa ka sheego ma aha kheyraadkeena oo kaliya ee waxa kamid ah Maamul Wanaageena Nabaedgelyadeena, iyo Dimuqraadiyadeena iyo Waxyaabaha wanaagsan ee hurmarka ah ee kajira dalkeena, maanta waxa sharaf inoo ah in ay dalkeena joogaan oo aynu heshiis la sexeexanay afar Shirkadood oo waaweyn oo ah kuwa soo saara batroolka hadeynu qol madow wax kaga sexeexanay inoo may yimaadaan Shirkadahan Shirkadii bartoolku meel

fiican ayay noo mareysaa, wey jiraan Shirkado badan oo daneynaya in ay dalkeena yimaadaan wey jiraan laakiin mid walba ma ogolaaneyno waxeynu u eegeynaa sida ay ina farayaan Shuruucda Caalamiga ahi inta dal ee ay kasoo shaqweeyeen heerkooda Maallgashiga iyo awoodoodaba waana sida uu ina farey Madexweynaheena Qaranku Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), in shuruucda lagu hagayo kheraadka iyo Batroolka dalkeenu ahaado mid Caalamiya”Ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa kale oo Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamrta Somaliland Xuseebn Cabdi Ducaale intaa ku darey hadalkiisa “Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay inaynu Shirkaa ka qeyb galno Guulna waan kasoo hoyneynaa insha allah” Ayuu hadalkiisa kusoo gunaanadey Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

Mar uu ka jawaabayay Xuseen Cabdi Ducaale Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland su,aal laga Weydiiyay asbaabaha dib u dhigay in ay si rasmi ah u howlgalaan Shirkadaha Macdantu ee Wadaniga iyo ajaanibka ah waxa uu sheegay in ay dadka Reer Somaliland fikir ahaan qabaan in Macdantu ka fududahay Shidaal soo saarista haseyeeshee, aanay xaqiiqdu aheyn maadaama soosaarista Macadantu ka howl iyo dhibaato badan tahey kana adag tahey soo saarista Shidaalka sidaa daraadeedna loo baahan yahey, in la hubiyo oo si qoto dheer loo faaqido maalgashiga ay ku sameyn karaan bilaabista soo saarista Macdantu waana wax howl adag qaadaneysa runtii Shirkadaha Shidaalkuna waa Shirkad weyn oo kharashkeedii iyo howsheediiba u dhameys tiran yahey natiijo fiicana ka gaadhi kara, isagoo Wasiirku xusey inaan marnaba la odhan karin waa kuwii aduunka ugu fiicnaa balse ay jiraan duruufo badan yihiina kuwa isku filan oo raad fiican leh.

 

Sidoo kale waxa isaguna Shirkan jaraa,id hadal kooban ka jeediyay Agaasimaha Waaxda Macdannta ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta oo isaguna Sheegay in uu hore uga qeyb galey Shir aan kan la mid aheynWadanka Koonfur Afrika.

 

Sikastaba ha ahaatee Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa, mudooyinkii u dambeeyay wadey dedaalo uu ku baadi goobayo in uu dalalka Dunida fahamsiiyo heerka Kheyraadka Somaliland sida Macdanta iyo Batroolka taas oo mudadii uu Xilka hayay ay dalka yimaadaan Shirkado ajaanib ah oo markii ugu horeysay Somaliland ka baadhaya

Batroolka iyo qaniimada ku duugan.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS