Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo Rajo ka Muujiyey Maxkamadaynta Cidda ka Dambaysay Xasuuqii Shacabka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo Rajo ka Muujiyey Maxkamadaynta Cidda ka Dambaysay Xasuuqii Shacabka Somaliland.
February 20, 2014 - Written by Wariye:

Wasiirka-arrimaha- yyHargeysa (Wajaale News) Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in sida ugu dhakhsaha badan  caddaaladda la horkeeni doono masuuliyiin xukunkii Siyaad Barre ka tirsana oo xasuuq iyo dambiyo bani’aadaminada ka dhan ah kula kacay shacabka Somaliland sannadihii 1980-kii ilaa 1990-kii.

Md. Maxamed Biixi Yoonis oo waraysi siiyey telefishanka caalamiga ah ee CNN, waxa uu tilmaamay in Somaliland rajaynayso in dhawaan ay ka mid noqoto waddamada bulshada caalamka majaraha  u haya, isla markaana ay mandaqada Geeska Afrika ku soo kordhisay xasilooni, kana qaybqaadato ilaalinta nabadgelyada waddamada jaarka Wasiirka-arrimaha-dibadda

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo la weydiiyey su’aal ahayd; “Waa maxay muhiimada ku jirta in Somaliland la ictiraafo oo ay noqoto qaran madaxbannaan, arrintaasina maxay u qaban karta shacabka Somaliland? waxa uu ku jawaabay; “Waxaan u malaynayaa in arrintan aad muhiim ugu tahay shacabka Somaliland, sababtoo ah Somaliland waxay ku guulaysatay inay  noqoto mid xasiloon, ammaan ah, kana qayb noqoto bulshada caalamka, waxaannu buuxinay dhammaan shuruudihii looga baahnaa qaran dimuqraadi ah. Waxaanan rumaysanahay in ay muhiim tahay in caalamku Somaliland aqoonsado, sababtoo ah Somaliland waxay caalamka ku soo kordhisay wax badan sida ammaanka, la-dagaalanka budhcad-badeeda iyo argagixisada. Somaliland waxay samaysay, caddaysayna muddada ay jirtay inay horumar dhaqaale iskeed ugu tallaabsato, gobolka amma mandaqaday ku taalna ka muujiso horumar.”

Waxa sidoo kale wasiirka la weydiiyey su’aal ahayd; “Somaliland waa goob ammaan ah oo ku taal mandaqad aan amni lahayn, inteebay Somaliland ku qaadatay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka Al-shabaab iyo budhcad-badeeda khatarta ku haya mandaqadaas, ilaa intee in le’eg baanay arrintaasi saamaysay Somaliland? waxaannu wasiirku ku jawaabay; “Waxaan rumaysanahay in Somaliland caalamka intiisa kale u caddaysay inay nabdoon tahay, waxaannu ku guulaysanay in aannu ansixino inaanay iman Al-shabaab ee kuwa kale ee falalka xun xun samaynayaa innaay dhulkayaga iman. Waxa aannu ka qaybqaadanaa ammaanka iyo badbaadada xasiloonida waddamada jaarka oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti. Xaaladdo badan dartoodna waxay nagu kaliftay inaannu qaran mid ah  ahaano, madaxbaannanidayada haysano, inta dedaalkayagana caalamka ku qancino inay na  dhegaystaan, una caddayno in aannu nahay qaran madaxbannaan si ay aqoonsigayaga u aqbalaan, waqti xaadirkana waxaannu wadahadal kula jirnaa Soomaaliya, taasoo aannu rajaynayno in aannu isla  gaadhno xal aannu ku kala go’no oo si nabada la isula gaadhay, waxaananu ku talo jirnaa in aannu ka mid noqono xubnaha bulshada caalamka sida ugu dhakhsaha badan.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo telefishanka CNN weydiiyey tallaabada laga qaaday shakhsiyaad ka tirsanaa dawladdii Siyaad Barre ee kaligii taliyaha ahayd, kuwaasoo lagu eedeeyo inay xasuuq u gaysteen shacabka Somalilad, isla markaana si xor ah u lugeeya caalamka, waxaannu ku jawaabay Md. Biixi; “Bishii January ee sannadkan 2014,  waxaannu wadahadal ku lahayn magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, dawladda Soomaaliyana way aqbashay in xasuuqaas iyo falal cadawtinimo ah dhaceen oo lagula kacay dadka Somaliland, qoraal ahaana way ku aqbaleen intii wadahadalka lagu guddo jiray in xukunkii Siyaad Barre uu ku kacay dambiyada bani’aadanimada ka dhanka ah sida xasuuqa, waxaanannu rajaynaynaa maalmo dhaw in dadkii falkaas ku kacay caddaaladda la hor keeni doono.”

Wajaale News
Hargasya Office
Email:wajalenews.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS