|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Ganacsiga Iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Oo U Kicitimay Dalal Ka Mid Ah Afrika
February 2, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-Wasiirka Ganasciga Somaliland Maxamed C/laahi Cumar iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor xoor ayaa manta ka dhoofay madaarka Hargeysa, waxaanay safarkooda ku sheegeen mid ku waajahan dhawr Dal oo Afrika ah. Labada Masuul oo duhurkii ka dhoofay madaarka Hargeysa ayaa xusay in safarkoodu yahay sidii ay usii ambaqaadi lahaayeen wadahadaladii u socday shirkadda Faransiiska ah ee Balore ee doonaysa Dekedda Berbera in ay maal-gelin ku samayso. Shirkii Somaliland iyo Shirkadda Balore ku yeesheen dalka faransiiska ayaa wararkii ka soo baxay ee la isla qaatay waxa ka mid ahaa in labada dhinac guddi farsamo u saaran sidii loo soo qiimayn lahaa Dekedaha Shirkada Balore maamusho eek u yaal dalalka Afrika. Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo toddobaadkii hore dalka ka dhoofay ayaa isna safarkiisa lagu macneeyey mid la xidhiidha wadahadalada ay la leeyihiin Shirkadda Balore. Si kasta ha ahaatee wasiiradda iyo Maareeyaha Dekeda Berbera ayuu socdaalkoodani noqonayaa mid farsamo ahaan loo soo sugo qoddobada gorgortanka labada dhinac ka geli doonaan. Wajaale News Hargaysa Office Email:habane00@gmail.com Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane Related posts:xisbiga kulmiye oo tiro ku daraya ergooyinka kasoo qayb galaya shirwayanaha xisbiga ka dib cabashooy... Wasiirk Cukuse Oo Shaqadii Ka Joojiyey Maareeyaha Telefishanka Qaranka Iyo Ciidamada Ilaada Wasaarad... Degdeg : hargeisa CIIDANKA RRU oo weerar Ku qaaday Xaflad ay lahayen ururka JIIDALI iyo afhayeenka ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|