Wasiirka arrimaha gudaha Ukraine Arsen Avakov ayaa sheegay in militariga Ruushka ayaa xayiraad ku soo rogeen garoon diyaaradeed gobolka Crimea | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka arrimaha gudaha Ukraine Arsen Avakov ayaa sheegay in militariga Ruushka ayaa xayiraad ku soo rogeen garoon diyaaradeed gobolka Crimea
February 28, 2014 - Written by Editor:
WAJAALENEWS;Wasiirka arrimaha gudaha Ukraine Arsen Avakov ayaa sheegay in militariga Ruushka ayaa xayiraad ku soo rogeen garoon diyaaradeed gobolka Crimea ee ruushka laga taageera.

Rag hubaysan ayaa ku wareegsan garoonka diyaaradaha ee Sevastopol ee ku yaala gobolka koonfurta ku yaalla ee Crime

Arsen Avakov ayaa joogitaanka ciidanka ruushka ee groonka ku tilmaamay ”faragelin hubeysan’

Xiriirka Ruushka iyo Ukraine

Xiriirka u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka ayaa xumaaday tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Ukraine Viktor Yanokovych oo haatan ku sugan Ruushka.

Xiisadda u dhexeysa labada dal ayaa laga dareemi kara Crimea oo ah gobolka kaliye ee ku yaala Ukraine ee ay ku badan yihiin dadka ku hadla luqadda Ruushka.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee maraykanka John Kerry ayaa ugu baaqay labada dhinac inay dejiyaan xiisadda oo ay joojiyaan wax walba oo keeni kara isku dhac.

Kerry waxa uu sheegay in uu la hadlay dhigiisa dalka Ruushka , Sergei Lavrov, oo u sheegay in Ruushku ay ka go’antahay in uu ilaaliyo madaxbanaanida Ukraine.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS