|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiiradii oo awood saraysa yeeshay iyo shacabkii oo cagaha laladulmarayo Xuseen siyaad cilmi {mataan}
February 12, 2014 - Written by Editor:Wasiiradii oo awood saraysa yeeshay iyo shacabkii oo cagaha laladulmarayo Xuseen siyaad cilmi {mataan} Peac143@hotmail.com Golaha wasiiirada ee Xukuuumada hada talada dalka haysa ayaa maalmahan danbe la soo baxday dabeecad cusub oo aan hore looga aqoonin wasiiradii dalka hore soo maray , balse shacabka ku dhaqan caasimada iyo gabalada kale ee soomaliland ayaa iswaydiinaya waxan baryahandanbe ay la soo baxeen, xukuumada ayaa haatan jirta mudo saddex sano iyo dheeraad , iyadoo mudo gaabani ay u hadhay isla mar ahaantana shacabka ku dhaqan caasimada iyo gobalada dalka ayaa baryahan danbana xukuumadu u adeegsanaysay ciidamada gaarka u tababaran ee loo yaqaano RRU iyadoo cabsi xoogan soo foodsaartay guud nahaanba dadka ,cabashona ka muujiyay iyadoo wasaarada ku shaqada lehina ay hawshaasi ay dhawr jeerna dadwaynuhu u gudbiyeen dhagahana ka furaysatay wasiirada haatan ayaa bilaabay inay sanka ka hadlaan iyaga oo waxa ala wixii qaanuunkooda ka hor imaada ay u adeegsadaan ciidanka bilayska, horana looma arag wasiiro amar ku bixiya inay ciidanka diraan oo qofka ama hawsha ay rabaan loofuliya balse waxa la arki jiray saraakiil ciidanka ay u taliyan amarku bixiya ka hor imaatinka qaanuunka , Akhriste mamaantay wasiiradii dalkuna ay ciidamadii ay amrayaan ?? sanadkii aynu soo dhaafnay ayaa guud ahaan gobalada dalka oo dhan laga dhigay banana baxyo kala duwan iyada oo dadwayne gadoodsani iskugu soo baxeen jidadka wadooyinka magaalooyinka, xidhayna wadooyinka qaar Sidoo kale xukuumada ayaa tacadiyo kala gadisan u gaysatay wariyaal kala duwan oo u kala shaqeeya warbaahinta madaxa banana iyadoo cunaha qabatay warbaahinta qaarkeed isla mar ahaantaa dhawr jeer xidhay xidhay wariyaasha qaar jidhdil iyo garaacisna ugu dartay ,koox hubaysan ayaa soo weerartay goor habeenimo ah wargayska hubaal iyadoo dhaawac loo gaystay wariyayaasha ka hawal gala wargayskaasi gudoomiyaha warhayska ayaa gacantaa ku dhigay mid ka mida kooxa soo weerartay ,iyada xabsiga loo taxaaabay qaanuunka maxkamadana la horkeenay. kooxdan hubaysan ayaa markiii xukunku ku caaday ay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay siiraanyo ay sii daysay taas oo kaa cadhaysiisay wariyayaaasha ka hawlgala warbaahinta qaybaheeda kala gadiisaan iyo cuqaaasha , salaadiinta, waxgaradka iyo aqoonyahanada Akhriste taasi maxaqbaa mise waacadaalad darro ?? maalmo yarna ka dib waxay xukuumadu albaabada u laabtay wargayska hubaal taasi oo mar horrana sidan oo kale loo xidhay iyada mudo dhawr bilood kahorna ay maxkamad ay kasoo qaateen warqad u cadaynaysa in xoriyda loo soon celiyay isla mar ahaantaan aan lagaranayn sababta keentay inuu ilaa hada uu xidhnaado mudo lagu qiyaaasay ilaa laba bilood wargayskaasi hubaal
xukuuumadu ma waxay garaan laadayahay xeerka warbaahinta madaxa bananaa iyo ta dawlada, wax iswaydiin leh in horta lagarto shaygu marka uu madax baanaan yahay waxa la arki jiray warbaahin madax baan oo wax ala wixii ay doonto sii daysa laakiin tan maaanta warbaahinta madaxa baanaan haysataa waxay tahay cago juglayn iyo cun qabatayn baahsan , marka dhan lagaa eego warbaaahinuna waxa iyadana batay xadgudubkeeda oo iyana waxay istidhi waad madax banaantahay oo waxakastaba way sooo tabinayaan ama way qorayaan laf ahaantoodu waxa iyara haboon inaya isbadh qabato oo waxa wanaagsana soo dayso ama ay qoorto wixii inoo wanaagsanayna ay iska dayso taasi ayaa iyadana u habon si waxan ooo dhiba oo soo gadhaya ay uga madax banaanato Akhriste iyadoo wariyayaal aad u bada la xidhay sanadkii aynu soo dhaafnay haatana aynaan ku soo koobi Karin qormadeenan ayaa waxa dalkeena soo food saartay dacdiyo aad u baahsan oo loo gaysanayo shacabka iyo qaybaaha kala duwan ee bulshada gaaar ahaan saxafiyiinta madaxa banaan. Caasimada ayaa waxa ka dhacay dhawr bilood ee u danbeeyay sanadkii aynu soo dhaafnay mudaharaadyo cabasho ah , dadwayne aad u gadoodsan ayaa iskugu soo baxay xaafado ka mida xaafadaha ku yaala gobalka maroodi –jeex gaar ahaan dagmada Axmad dhagaax iyadoo dadwaynahaa gadoodsani ay ka muda haraadeen shaqada ay joojiyeen booyadihii u shubi jiray biyaha taas oo xukuumadu cashuurya ay kaqaadi jirtay ay booyadahaasi ay dul saar kaga dhigtay lacag qayru macquuul ah oo aan caqliga galaynin, isla mar ahaantaan ay sidaas shaqada ku joojiiyay booyadihii u dhaamin jiray biyuhu mudaharaadyadaasi ayaa wax naf ah aanay ku bix laakin waxa ku dhaawacmay dhawr ruux oo dhalin yaro ah , wasiirka wasaarada arimaha gudaha oo ah tan iyadu hawsha u qaabilsan ayaa dajisay mudahaaradkaasi , maalmo yar kadib ayaa wax gabalka togdheer kadhacay mudaharaad aad u baladhan oo gaystay khasaare naf iyo maal leh. Gobalkan ayaa waxa mudooyinkii ugu danbeeyay kadhacay dilal badheedha iyadoo ciidmada qarankuna ay dadka shicibka hoos ahaan u laynaya xabadana hoos loogu dhigay iyana waxa jirta marar badan oo ciidamada loo yaqaano RRU ay gaysatay hawlgalo ay fulunaysay saqda dhexe ee habeenkiii iyada oo dhawr jeer oo horena ay siaasi uga soo daadanaysay ciidamadaa ayaa caadaystay inay shacabka ku dhaqan gobalkaasi ay soo waajahday cabsi xoogani maahana markii ugu horaysay ee uu mudaharaad ka dhaco gobalkani mud- haraadkaasi kadib waxay ciidamada RRU goor habeenimo gudaha ugu daadtay badhasaab ku xigeenkii hore eegabalka togdheer iyadoo xabsi ku yaala magaalaada barbara ku soo riday badhasaabkaasi ayaa laasheegay xadhigiisa inuu ka danbeeyay wasiirka madaxtooyada xirsi cali x xasan waxa uu sameeyayna aanu jirin badhasabkan ayaa waxa lagu eedaynayaa inuu kadanbeeyay mud haraadkii ka dhacay gobalkaasi . waxaana lasheegay inuu ciidamadaan uu soo diray wasiirka madaxtooydu. Wasiiradii xukuumada ayaa ismooday inay baawar leeyihii oo ciidamadii loogu tala galay inay soo diiraan saraakisha kala duwani uu wasiir waliba marka uu doono uu soo dirayo oo loogu xoogsheeganayo shacabka ku dhaqan guud ahaanba gobalada dalka oo dhan kuwaas oo walwal iyo walaac weyni uu soo food saaray xukuumadan talada dalka haysa ayaa cago jugleenteedu badatay oo maalmahan danbana ay lasoo baxday dabeecad aan hore looga baranin xukuumadan ay ku fashilantay waxtarka bulshada iyo amniga dalka , habeenadan danbe ayaa waxa magaalada hargaysa ku soo tarmaya falal waxshinimo ah iyadoo bishan aynu ku jirno dhexdeeda ayaa madhtamaha suuqa mindi lagu galiyay sheekh aad ugu caana soomaaliland isla habeenadii ka danbeeyaay ayaa si xun oo jidhdila loo dhaawacay sheekh kale oo masaajid tujin jiray labadan sheekh ayaa lasheegay inay ilaa hada yaalaan cusbitaalka guud ee maagaalada hargaysa taasi oo caafimaad ahaa u soo waaagsanaanaya ,masidaas ayaa u danbaysay in culimadii wanaaga inafaraysay hoos hoos loo ugadhasado???.. Akhrite dhacdooyinkan kala duwan aan usoo qadanayaa waliba anigoo inta u gu muhiimsan soo qaadanaya siday wax u dhacayaan anigoo qormooyinkaga soo socdana ku faaqidi doono waxyaabaha hadhsan Amnigii dalka ayaa guud ahaan isbadalay shacabkiina cago juglayn iyo tacadi isdaba joooga ayaa lagu hayaa ,wasiirada qaarna waxay caadaysteen inay amran ama ay maamulaan ciidamadii loogu talo galay inay saraakiiishu maamulaan inay iyagu shaqadoodiii ay raacsadaan guntiiyo gabagabdii waxaan leeyahay ha lagaddaayo shicibka sidasi lagu hayo oo waxana haloo qabto cago juglayntan iyo ciidamad afka xidhan ee RRUdana halaga daayo hana la ogaado wax looo sameeyay ciidamada argagixisada dadkiina ma Argagixisaa laga wada dhigay ???. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|