Wasiir Warancade Waxan Ugu Baaqayaa In Shaqada La Iga Hortaagan Yahay Hoos U Eego” Xoghayihii hore D/hoose Gabiley Axmed Maxamuud Afay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Warancade Waxan Ugu Baaqayaa In Shaqada La Iga Hortaagan Yahay Hoos U Eego” Xoghayihii hore D/hoose Gabiley Axmed Maxamuud Afay
February 23, 2014 - Written by Editor:

Gabiley -(WAJAALENEWS)– Xoghayihii hore ee dawlada hoose ee degmada Gabilay Axmed Maxamuud Muxumed Afay ayaa sheegay in wakhtigii jagadaasi loo magacaabay ay ahayd markii talada dalka la wareegtay xukuumada Kulmiye , balse muddo ka dib hanti dhawrku uu eedayn uga gudbiyay Maxkamada isaga iyo maayarkii degmada Ee wakhtigaasi , isla markaana shaqadii uu hayay laga wareejiyay. Waxaanu tilmaamay in muddo ka dib ay Maxkamada gobolka Hargeysa soo saartay go’aan salka ku haya inaan wax dembi ah lagu halin, islamarkaana shaqadiisii ka xaadiro wasaarada arrimaha gudaha oo uu muddo dheer ka tirsanaa hawlwadeenada Waaaradaasi . Axmed Maxamuud Afay waxa uu sheegay in tan iyo markii go’aanka maxkamadu soo saartay oo wasaarada daakhiliga uu wasiir ka ahaa Wasiir Duur u gudbiyay qoraalkii maxkamada ka gaadhay eedayntaasi ay ahayd waxba kama jiraan, balse wasiir Duur aanu wax talaabo ah ka qaadin inaan shaqadaydii ku noqdo Waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay Haatuf Oo Aanu Ka Soo Xiganay kula soo xidhiidhay khadka tilifoonka isagoo ku sugan magaalada Gabilay, ayaa sidoo kale sheegay in xarunta wasaarada arrimaha gudaha oo uu markasta yimaado aan ilaa hada shaqadii lagu celin, isla markaana mushaharkii iyo xuquuqdii shaqaalenimo ilaa muddadaasi ka maqan tahay . Waxaanu wasiirka daakhiliga Cali Maxamed Warancade ugu baaqay in arrinkaasi uu wax ka qabto maadaama maxkamadii gobolku go’aan ka soo saaray eedayntii hanti dhawrku makamada uga gudbiyay, isla markaana wax dambiya lagu waayay aan wali shaqadii uu xaqa u lahaa ee hawlwadeenada arrimaha gudaha lagu soo celin. Isagoo arrinkaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan ahaa xoghayihii dawlada hoose ee Gabilay ee ugu horeeyay loo magacaabo markii xukuumada kulmiye talada dalka la wareegtay, waxa dhacday muddo ka dib in hanti dhawrku eedayn aniga iyo maayarkii degmada nooga gudbiyay maxkamada, anigoon xilkii wareejinina dacwad laga furay maxkamada. Waxa dhacday in muddo ka dib maxkamada gobolka Hargeysa oo arrinka gacanta ku haysay ay soo saartay go’aan inaan wax dambi ah laygu helin, isla markaana Aan shaqadaydii toos u galo, anigoo muddo dheer ka tirsanaa hawlwadeenada wasaarada arrimaha gudaha, isla markaana balanku ahaa haddii wax dami ah lagu waayo inaad shaqadaadii qabsato, ayaa ilaa wakhtigan xaadirka ah aan shaqadaydii laygu soo celin . Xilligaa maxkamadu go’aanka soo saartay waxa wasiir ahaa Duur, markaan u soo gudbiyay qoraalkii maxkamada wax talaabo ah kamuu qaadin ilaa hadana wax mushahar iyo xuquuqdii shaqada maan helin. Ka dib wasiir waran cade iyo masuuliyiinta wasaarada oo aan markasta hor imaado, balse ilaa hada shaqadii layguma celin. Waxaan wasiirka Maxamed Cali warancade ugu baaqayaa in arrinkaasi xuquuqda shaqaalaha ee ilaa hada iga maqan inaad wax ka qabato maadaama maxkamadii gobolku waxba igu wayday” Sidaa Waxa Yidhi Xoghayihii Hore Ee Degmada Gabiley Axmed Maxamud Afey .

Xigasho Haatuf

COMMENTS
LINKS