Wasiir Ku Xigeenka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Jabuuti Kaga Qayb-gashay Shir Laguu Gorfaynayey Sidii Loo Joojin Lahaa Gudniinka Fircooniga Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Ku Xigeenka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Jabuuti Kaga Qayb-gashay Shir Laguu Gorfaynayey Sidii Loo Joojin Lahaa Gudniinka Fircooniga Ah.
February 6, 2014 - Written by Wariye:

DJabuuti(Wajaale News):-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qayb gashay shirweyne caalami ah oo maanta ka furmay dalka Jabuuti kaas oo lagaga hadlayo sidii loo joojin lahaa gudniinka fircooniga ah ee Hablaha.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil iyo wefti ay hogaaminayso oo Somaliland u metelaya shirkaasi ayaa hadal ay ka jeedisay shirkaasi waxay sharaxaad ka bixisay heerka uu gudniinka fircoonigu ka marayo Somaliland iyo dhibaatooyinka uu ku hayo guud ahaan aadamaha, gaar ahaana haweenka ku nool dalalka weli laga isticmaalo gudniinka fircooniga ah ee hablaha.

Marwo shukri Xariir Ismaaciil wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshadda ayaa shirkaasi caalamiga ah waxa ay ka sheegtay in Somaliland ay la wadaagto dalalka caalamka xanuunka iyo dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee uu gudniinka fircooniga ahi ku sababo haweenka, waxayna ballanqaaday in JSL ay ku dadaalayso sidii loo sii dardargelin lahaa wacyigelinta dadweynaha eek a dhanka ah caadadaasi qaddiimka ah.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS