Wasaaradda Khayraadka Biyaha oo Soo Gababaysay Tirakoob lagu Sameeyey Ceelasha Wadan ka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Khayraadka Biyaha oo Soo Gababaysay Tirakoob lagu Sameeyey Ceelasha Wadan ka
February 15, 2014 - Written by Editor:

Wasaaradda Khayraadka Biyaha oo Soo Gababaysay Tirakoob lagu Sameeyey Ceelasha Wadandka

HARGEISA (WAJAALENEWS) Aqoon yahano ka tirsan  Wasaaradda Khayraadka Biyaha ayaa soo gabagebyey tirakoob lagu soo sameeyey ceelasha dhaadheer ee wadanka. Shaqaalahaasi waxay ka ambabaxeen xarunta Wasaaradda Khayraadka Biyaha maalintii ay taariikhdu ahayd January 2deedii waxayna hawshooda soo gebageyeen February 5 teedii. Waxaa sii ambabixiyey wasiirka Khayraadka Biyaha, Xuseen Ahmed Cabdulle.

Waxay soo  mareen dhamaan ceelasha wadandka Soomaliland oo dhan. Waxay u qaybsayeen laba qaybood. Qayb u baxday bariga gobolada Somaaliland oo soo martay ilaa 150 ceel oo dhaadheer oo uu hoggaaminyey Eng. Cismaan C/laahi Cali (Cismaan Caato).  Waxay soo mareen gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Qaybt u baxday galbeedka Soomaliland waxaa hoogaaminayey Eng. Mustafe Ciise Xussen (Mustafe Xabo) oo soo kormeeray 130 ceel oo dhaadheer. Marka laysku geeyana waxay soo kormeereen 280 ceel (Strategic Boreholes). Waxay soo mareen goboladda Awdal, Maroodijeex iyo Saaxil.

Kormeerku wuxuu ku sabsanaa xaalada ceelasha oo ay ka mid yihiin: dhadhanka biyaha, cida leh ceelka, cida ka cabta ceelka xoolo iyo dad, inuu u baahan yahay dacaytir iyo in kale.

Ta ugu muhiimsan waxay ahayd iyada oo la ogaanayo GPS Coordinates ceelasha. Macluumaadkaa waxaa la galinayaa Data Base online ah. Mar ala iyo markii loo baahdo macluumaad ku saabsan ceelashaa la soo maray waxaa la galayaa website lagu uruuriyey cilmi baaristaa.

Waxa farsamo iyo dhaqaale ahaan suurta geliyey haya’da FAO/Swalim oo uu madax u yahay khabiir  Ali Ismail.

Natiijada ka soo baxda waxaa loo dirayaa magaalada Nairobi oo lagu shaybaarayaa ka dibna waxaa loo soo celinayaa Wasaaradda Khayraadka Biyaha oo u ruurinaysa xogta ceelasha. Waana markii ugu horeysey ee xog uruurin baaxadan leh la qabto.

Maqaalkan waxaa qoray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha Dr. A/risaq Jama Nuur.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS