Wasaaradda Beeraha Oo Cagafyadaa Beeraha iyo Bal-dawsaro ay Soo Iibsatay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Beeraha Oo Cagafyadaa Beeraha iyo Bal-dawsaro ay Soo Iibsatay
February 15, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(wajaalenews) – Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa la soo degtay caga cagafyada lagu qodo beeraha iyo kuwa waaweyn ee loo yaqaano bal-dawsarka ee baneeya Beeraha Dhaamamkana lagu xidho.

Caga cagafyada Wasaaradda beeruhu la soo degtay oo shalay ku soo xidhay marsada Berbera ayaa ah sideed xabo oo nooca Ferguson-ta loo yaqaano iyo dhawr midh oo ah nooca Bal-dawsarka ah, kuwaas oo Xukuumaddu ay ka soo iibisay Miisaaniyddii 2013-kii.

Caga cagafyadan ayaa noqonaya Hantidii ugu horaysay ee ay Xukuumadd Somaliland ahi soo iibsato dhawr iyo labaatankaas sano, waxaanay ugu talo gashay in ay Beeralayda Reer Somaliland uga faa’iidayso si ay wax-soo-saarka beeraha iyo Biyaha uga faa’iidaystaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa isagoo Berbera ku sugan Waaheen u xaqiijiyey in ay wasaaradda soo gaadheen caga cagafyo loogu talo galay in wax lagaga qabto baahiyaha Beeraha iyo Biyo xidheenada isla markaana sanadkan wixii ka danbeeya wasaaraddu u hawl-geli doonto horumarintooda.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in Xukuumaddu sanadkii tagay dabayaaqadiisii Qandaraas ku bixisay isla markaana shirkaddii ku guulaysatay ay shalay Dalka soo gaadhsiisay, waxaanu sheegay in ay Berbera kula wareegayaan maanta.

Dakhliga lagu soo iibiyey caga cagafyadan oo dhamaa afar boqol oo Kun oo Doolar waxay Dawladdu ka qoondaysay sanadkii 2013-kii iyadoo Miisaaniyadda sanadeedkaas loogu daray sidii muhiimada loo saari lahaa tacabak beeraha, dalkuna uga bixi lahaa baahida Raashinka Dalka.

Wasiiradda Wasaaradaha Beeraha Faarax Cilmi Geedoole iyo Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa ka qayb galaya munaasibad ka dhici doonta Dekedda Berbera, taasoo ay Xukuumaddu kula soo wareegi doonto caga cagafyadaas oo ah Hantidii ugu horaysay ee ay Somaliland Jeebkeeda ka soo Iibsato.

Xukuumadda Somaliland ayaa sanadkii hore sidan oo kale Caga cagayda wadooyinka iyo qalab kale oo muhiim ah usoo iibisay Hay’adda Horumarinta Wadooyinka, kuwaas oo la filayo sida wasiirka Madaxtooyaddu sheegay in ay Dalka soo gaadhi doonaan toddobaadka soo socda.

Sanadkan oo kali ah waxa Ganacsatada Somaliland Dalka keentay caga cagafyo badan kadib markii ay ka dhaaftay Cashuurihii laga qaadi jiray.

Macrado Caga cagafyada gaar u ah sida kuwa baabuurta ayaa Dalka ku soo badanaya, iyadoo durtaba Dadkii ka biqi jiray cashuurihii laga qaadi jiray oo badnaa dartood ku dhiiranayaan keenistooda.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS