Wasaaradda Beeraha oo Beeralayda xeebta Galbeed u qaybinaysa Geedo Timir ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Beeraha oo Beeralayda xeebta Galbeed u qaybinaysa Geedo Timir ah
February 5, 2014 - Written by Editor:

1800 oo geed oo ay FAO ku caawisay oo soo gaadhay wasaaradda

Hargeysa(Wajaalenews) wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa maanta la soo gaadhsiiyey shixnadii ugu horaysay ee geedo Timir ah oo ay ka beerayso xeebta Galbeed ee Berbera illaa Lughaya, taasoo toddobaadada soo socda la taagi doono.

Shixnad Geedo Timir ah oo dhan kun iyo sideed boqol oo Geed ayay hay’adda cuntada Adduunka ee FAO soo gaadhsiisay iyadoo ka soo degtay madaarka Hargeysa iyadoo lagu keenay qalab loogu talagay in lagu kaydiyo ka hor intaan la beerin.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Beeraha Somaliland C/laahi ismaaciil oo waaheen u waramay ayaa sheegay in ay maalmaha soo socda Geeadaha Timirta ah u qaybin doonaan Beeralayda u dhaxaysa Berbera illaa Lughaya isagoo sheegay sahan lagu xaqiijiyey beeraha Timirtaas lagu beerayo in ay wasaaraddu soo samaysay.

Agaasimaha Guud waxa uu sheegay Geedahan Timirta ah in ay yihiin nooca dhakhso u baxa isla markaana ku dhala muddo aan ka badnayn laba sano oo kaliya, waxaanu xusay marka tijaabadaas laga baxo in Beeralayda degan Barriga xeebta Berbera-na la gaadhsiin doono.

C/laahi Ismaaciil waxa uu sheegay FAO in ay ku caawisay Dhirtan Timirta ah isla marka ay hirgasho beeritaankooduna la keeno doono geedo kale si Somaliland oo dhan loogu beero Timirta oo uu sheegay in ay tahay Geed muhiim u ah Nolosha Bini’aadamka Cunto ahaan iyo Caafimaad ahaanba

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS