|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Oo Qabatay Kulan Lagu Eegaayey Qoraal Wadareed Ay Soo Saareen Lix Wasaaradood Oo Lagu Mam-nuucaayo Gudniinka Hablaha.
February 6, 2014 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):-Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa Maanta qabatay Kulan lagu eegaayey Qoraal ay si wada jir ah u soo saareen Lix Wasaaradood oo ay ku jiraan Wasaaradaha ugu miisaanka culus dalka,kuwaasoo isla gartay in Sharci adag laga soo saaro Gudniinka Hablaha. Kulankan oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaarada Diinta iyoAwqaafta, ayaa waxa ka soo qayb-galay Xubno ka socday Ururrada bulshada ee ka shaqeeya Barnaamijka lagula dagaalamayo Gudniinka Hablaha, kaasoo ay Maal-gelisay Hay’adda UNICEF, waxaanay marar badan la iftiimiyey waxyeelada uu ku hayo Hablaha xilliga ay ku jiraan Inannimada iyo wakhtiga dhalmada oo ay kala kulmaan Dhibaatooyin aad u faro badan oo xitaa halis gelin kara Naftooda iyo mida ilmaha yar. Xubnihii matalaayey bulshada rayidka ah ee kulankaas ka soo qayb-galay ayaa arragtiyo kala duwan ka bixiyey dhibaatooyinka uu leeyahay Gudniinka Fircooniga ah, waxaanay daboolka ka qaadeen in la gaadhay xilligii Sharci adag laga soo saari lahaa, isla markaana gebi ahaanba looga tirtiri lahaa bulshada reer Somaliland, iyadoo wakhtiyadan dambe Agaaasimaha waaxda Xalaal Eng Mustafe Khaliil Cabdillaahi ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga fikiro sidii Horumar looga gaadhi lahaa Qoraal wadareedkan ay ku saxeexan yihiin Lix Wasaaradood oo ah kuwa ugu tunka weyn Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo isla qaatay in meesha laga saaro Eng Mustafe Khaliil Cabdillaahi waxa tilmaamay in loo baahan yahay in Baarlamaanka Somaliland uu ka soo saaro Xeer lagu joojinayo Gudniinka Hablaha oo dhibaatadiisa la ogaaday, hase yeeshee waxa uu shaaciyey in bulshada rayidka ah looga baahan yahay inay Golaha wakiillada ku dhiiri-geliyaan Sharci adag oo lagu fuliyo Dadka ku shaqaysta falka Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Faa’is) oo ah la-taliyaha Barnaamijkan iyo Safiya Jibriil Yoonis oo ka socotay Haya’dda UNICIEF ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, waxaanay ka dhawaajiyeen sida loogu baahan yahay Sharci lagu xakamaynayo Dhibaatada ragaadisay Hablaheenna, taasoo ay sheegeen inay u baahan tahay Gurmad iyo in meel looga soo wada jeesto. Maaha markii ugu horaysay ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ay qabato kulanno lagu darsaayo Dhibaatooyinka Gudniinka Gabdhaha, hase yeeshee toddobaadkii hore ayey markii ay isku yimaadeen Culimo-awdiin, Maamuleyaasha dugsiyada, Dhakhaatiir iyo Ururrada bulshada si qoto dheer uga dooday dhibaatooyinka uu leeyahay Gudniinka Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|