War Degdeg ah: Go’aankii Golaha Guurtida Oo Laba Qodob Ah Iyo Golihii Wakiilada Oo Fasax Laba Bilood Ah Galay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Degdeg ah: Go’aankii Golaha Guurtida Oo Laba Qodob Ah Iyo Golihii Wakiilada Oo Fasax Laba Bilood Ah Galay.
February 19, 2014 - Written by Wariye:

golaha wakiilada slandHargaysa(Wajaale News):-Fadhigii golaha wakiilada oo uu shirgudoominayey gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa si habsami ah uga qabsoomay xarunta golaha wakiiada Somaliland.

Guddigii dhexdhexaadinta golaha wakiilada Somaliland ee ka socotay golaha guurtida ayaa fadhiga ka akhriyey go’aankooda oo ah laba qodob.

Qodobka koobaad: in Gudomiyaha Golaha iyo kuxigeenadiisa lagu ridi karo 42 cod.

Qodobka labaad: in muddo xileedka ka hadhsan golaha wakiilada aan la ridi Karin gudoomiyaha golaha wakiilada lana keenikarin mooshin ka dhan ah.

Si kastaba ha ahaatee, fadhigii golaha wakiilada ayaa lasoo xidhay iyadoo labada garabba ay aqbaleen go’aanka guurtida golaha wakiilada Somaliland.

Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa ku dhawaaqay in golaha wakiiladu fasax galay 2 bilood ah.

COMMENTS
LINKS