Tirada Ardeyda lagu Diley Nigeria oo Sii Kordheysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tirada Ardeyda lagu Diley Nigeria oo Sii Kordheysa
February 26, 2014 - Written by Editor:
WAJAALENEWS ;Tirada dhimashada ee weerarkii ay maalintii Talaadada kooxo maliishiyo ah ku qaadeen dugsi ku yaalla waqooyi bari Nigeria ayaa gaartey 59 qof.

Weriyeyaasha ku sugan goobta weerarka uu ka dhacay ayaa sheegayaa in meydad hor oo leh laga heley dugsiga ay dowladda leedahay ee Buni Yadi la geeyey qeybta meydadka lagu keydiyo ee maagalada.

Guddoomiyaha gobolka Yobe, Ibrahim Gaidam, ayaa booqdey burburka dugsiga, waxaana uu ciidamada milatariga ku eedeeyey sida ay ugu guuldareysteen inay badbaadiyaan caruurta la diley.

Wax yar ka hor intaanu weerarku dhicin, ayaa guddoomiyaha waxaa uu sheegey in tiro yar oo ciidamada ka tirsan oo loo xilsaarey inay sugaan amniga dugsiga laga soo kaxeeyey halkaasi, iyadoo aan la bixin sabab faahfaahsan.

Ilaa iyo haatan ma jirto koox sheegatey weerarkaasi, laakiin dadka degaanka ayaa eedda dusha ka saaraya kooxda Islaamiyiinta mintidka ah ee Boko Haram inay ka dambeysey weerarkan.

Ardeyda la diley ayaa dhamaantood ahaa wiilal.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa cambaareyey dilka ardeydan, isagoo intaa ku darey in weerarkani uu ahaa mid sinna qiil loogu raadin karin.

 

 

WAJAALE OFFICE

 

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS