War baahintu ma faan ayey mooday in ay soo dhigaan masuulka ka danbeeya aas aas kooda ama maalgelintooda bal u fiirso wasiirkan lagu sharaxay mid ka mid ah Web-site yada afka somaliga lagu daabaco!!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War baahintu ma faan ayey mooday in ay soo dhigaan masuulka ka danbeeya aas aas kooda ama maalgelintooda bal u fiirso wasiirkan lagu sharaxay mid ka mid ah Web-site yada afka somaliga lagu daabaco!!!!
February 13, 2014 - Written by Editor:

War baahintu ma faan ayey mooday in ay soo dhigaan masuulka ka danbeeya aas aas kooda ama maalgelintooda bal u fiirso wasiirkan lagu sharaxay mid ka mid ah Web-site yada afka somaliga lagu daabaco!!!!

 

Hadaba intaanan u gudbin maqaalkayga waxa tan iyo 2010 kii markii xukuumadan cusubi xilka la wareegtay soo baxaayey kala jiidasho dhanka warbaahinta ah oo ay samaynayeen qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumada ku jiraa gaar ahaan wasiirada oo aad moodo in ay xilkooda kaga habsaameen is difaacis iyo iska dhaadhicin dhanka warbaahinta ah iyaga oo weliba xooga saara inay la wareegaan warbaahinta qaar ama ay furtaanba wargeysyo cusub iyo Web-site yada qaar ka mid ah.

 

hadaba waxa maalmahanba warbaahintu wax ka qoraysay siiba wargeyska xogogaal oo soo bandhigaayey dhaliilaha wasiir samaale ayaad moodaa in uu wasiirkani yahay wasiir u nugul warbaahinta isaga oo wakhti badan geliya in uu wargeysyada iyo web-site yada iyo qaar ka mid ah Television nada uu xidhiidh la sameeyo si ay u noqdaan kuwo isaga u adeega waxa taasi ka sii daran markaan arkay mid ka mid ah Website yada ku caanka ah cayda xukuumada oo wasiirkan ku sharaxay Head ka website kooda sida sawirkan ka muuqata.

 

Hadaba is waydii bal ma isagaa furtay wasiirku oo biiliya hawladeenadan mise waa raaligelin iyo tartan siyaasadeed oo noocisu inagu cusub yahay bal idinkaan idin dhaafay bulshoy, jawaabta suaashaasi.

 

Dib u xasuuso warbaahintii sanadihii hore jirtay iyo doorkii xukuumadihii hore halkay kala taagnaayeen waxa aan xasuustaa iyada oo wasiiradu ka qayliyaan saxaafada madaxa banaan kuna soo eertaan warbaahinta dawlada balse hada waxaaban is waydiiyaa tolow ma masuuliyiin karanbaa mise waa shaqo tag nimankani xagayse ku danbaysay warbaahintii dawladu miyey gabeen hawlahooda shaqo mise cid gaar ayey u shaqeeyaan oo wasiiradan ayaanay xukumi karinba.

 

Ugu danbayn waxa aan leeyahay dhanuun isugu biyo shubta masuuliyeentay ama noqda kuwo loogu soo hagaagi dhinaca mucaarka ama muxaafidka aanu bal aanu idinku ogaane.

 

Ugaas Muuse Salaad
suxufi madaxbanaan

ugaasyare@gmail.com

Hargeysa/S/land

COMMENTS
LINKS