Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA Oo Cambaareeyay Wariye Koox Aan Haybtooda La Garanayni Ay Jidh Dil Ugu Geysteen Ceerigaabo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA Oo Cambaareeyay Wariye Koox Aan Haybtooda La Garanayni Ay Jidh Dil Ugu Geysteen Ceerigaabo
February 7, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA WAJAALENEWS Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka uu soo saaray ururka suxufiyiinta ee SOLJA

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo  ka duulaya masuuliyada iyo waajibaadka uu u hayo Hay’adaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaa uu si kulul u cambaareynayaa  weeraraka lagu qaaday Weriye- Cabdilaahi Xuseen Darwiish. oo ah Weriyaha Royal TV, Wargeyska Waaheen iyo Shebekedda Oodweynenews ee Magaalada Ceerigaabo Ahna  Wakiilka Ururka SOLJA ee G/Sanaag Ayaa Xalayto 2/6/2014 Habeenkii jimcuhu soo galayay abbaara 10:30-pm rag dhallinyaro madaxa soo duubtay oo ku hubaysan Budhadh Iyo Toorriyo isagoo Xafiiskiisa hortiisa Telefoon ku hadlaya waxay halkaas hareeraha kala galeen budhadhkii ay siteen. Waxana weriyaha soo gaadhey dhaawacyo intooda badani madaxa iyo wejiga ka gaadheen. Weriyaha ayaa loola cararay cusbitaalka guud ee Ceerigaabo, sidoo kalena kooxdii hubaysnayd ee weriyahan weerarka kusoo qaaday ayaa boliisku mid kamid ah gacanta ku dhigeen.

Hadaba ururka SOLJA waxa uu si sharaf iyo qadarin leh uga codsanayaa Hayaddaha amniga ee Jamhuuriyada Somaliland iyo kuwa gobolka sanaag gaar ahaan kuwa dagmada ceerigaabo in sida ugu dhaksaha badan sharciga loo horkeeno cidii falkaa arxan darada ah ku qaaday Wariye Cabdilaahi Xuseen Darwiish.

 

ALLAA MAHADLEH

 

MUSTAFE SHEIKH OMER GEEDI

SOLJA Board of Directors (BOD)

COMMENTS
LINKS