|
|||||
WAJAALE NEWS
Ururka Dawladaha Hoose Ee Magaalooyinka Somaliland Oo Kulan Ay Yeesheen Hogaan Cusub Ku Doortay.
February 1, 2014 - Written by Editor:GEERCAABO WAJAALENEWSMunaasabad Taariikhi Ah Oo Maanta Ka Dhacday Xarunta Dawladda Hoose Ee Degmada Ceerigaabo.
Ceer-Gaabo(wajaalenews):- Kulan Maanta Magaalada Ceerigaabo Ay Ku Yeesheen Ururka Dawladaha Hoose Ee Magaalooyinka Somaliland Ayaa Waxa Ay Ku Doorteen Guddoon Cusub Oo Ururkaasi Hagi Doona Mudada Shanta Sanadood Ah Ee Soo Beegan. Munaasabad Taariikhi Ah Oo Maanta Ka Dhacday Xarunta Dawladda Hoose Ee Degmada Ceerigaabo Ayaa Waxa Ka Soo Qayb Galay Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Somaliland Oo Ay Ka Mid Yihiin Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Md Axmed Xaaji Cali Cadami. Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid ((Caddaani), Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Md Axmed Faahiye Mire, Badhasaabka Gobolka Sanaag Md Axmed Muxumud Geelle (Dacar Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Ee Degmada Ceerigaabo. Fadhiga Ay Maanta Yeesheen Ururka Mayor-Ada Somaliland Oo Ay Ka Soo Xaadireen Kow Iyo Toban Ka Mid Ah Mayorada Magaalooyinka Waaweyn Ee Somaliland Ayaa Waxaa Lagu Doortay Gudoonkii Ururka Oo Ka Koobnaan Doona Gudoomiye, G/Xigeen Iyo Xoghaye. Xubnaha Ururka Ayaa Cod Aqlabiyad Ah Oo Dhamaystiran Waxay Gudoomiyaha Ururka Mayor-Ada Somaliland U Doorteen Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco Oo Ah Mayor-Ka Caasimadda Somaliland, Halka Ku Xigeena Loo Doortay Md Saleebaan Xasan Xaddi Oo Ah Mayor-Ka Magaalada Boorame, Iyadoo Xoghayaha Ururka-Na Loo Doortay Mayor-Ka Magaalada Laascaanood Md C/Qaadir Jaamac Saalax. Badhasaabka Gobolka Sanaag Md Axmed Muxumud Geelle (Dacar) Oo Halkaa Ka Hadlay Ayaa Sheegay In Arrintani Noqon Doonto Mid Taariikhda Gasha, Isla Markaana Muhiimad Gaar Ah U Leh Gobolka Sanaag Oo Ay Doorashadu Ka Qabsoontay. Xubnaha Golaha Wasiirada Ee Kulankaa Ku Sugnaa Ayaa Dhamaantood Uga Mahadceliyey Mayor-Ada Somaliland Habka Dimuqraadiga Ah Ee Ay U Doorteen Guddoonka Ururkooda Dhankiisana Mayorka Caasimada Somaliland Oo Doorashada Ka Bacdi Kulanka Ka Hadlay Ayaa Ballanqaaday Inuu Awoodda Saari Doono Taageerada Looga Baahan Yahay Hirgelinta Mashruuca Wadada Ceerigaabo Iyo Sidii Hay’adaha Samafalku Uga Hawlgeli Lahaayeen Gobolada Bari Ee Somaliland Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|