|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliyihii Saldhiga Degmadda X Saalax o xalay saqdii Dhexe la Dilay
February 25, 2014 - Written by Editor:Oodweyne(Wajaalenews) Taliyihii Sa;ldhiga Degmadda X Saalax Lama oga sababta Kooxdaasi u dishay Taliyaha Saldhiga Degmadda X Saalax hase yeeshee sida uu ku soo waramayo wariyaha Gobolka Togdheer waxa uu Taliyaha la toogtay xiligaas ku guda jiray Ololaha Talaalka Carruurta ee ka socda deegaankaasi. Wariyuhu waxa uu ku soo waramayaa in Kooxda Dishay Taliyuhu ay ahaayeen illaa toddoba nin oo hubaysan, kuwaas oo uu sheegay in la filayo in ay wali ku sugan yihiin deegaanada Gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne. Illaa hada waxa socda baadhitaan la xidhiidha Dilkaasi, hase yeeshee sida wariyuhu soo sheegayo waxa loo aanaynayaa Dilkan in uu ka dhashay Aano Qabiil. Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Odayaal ayaa magaaladda burco ka ambabaxaya goor dhaw, kuwaas oo la filayo in ay ka hawl gali doonaan sidii loo soo qaban lahaa kooxda Dilka gaysatay, isla markaana loo dajin lahaa in colaad intaas ka badani ka dhalato. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:Lataliyihii Arimaha Doorashooyinka Ee Madaxwaynaha Jsl Oo Iska Casilay Xilkii Iyo Sobobta Uu Xilka U... Daawo: Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Gudida Doorashooyinka Ugu Baaqay In Ay Awoodooda Adeegsadaan Daawo: Safiirka Somaliland Ee Dalka Sweden Iyo Madaxda Asxaabta Qaranka Oo Fariin U Diray Shacabka R... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|