|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliska Ciidamada Booliska Ee Gobolka Saaxil Oo Faahfaahiyey Geerida Nin Jarmal Ah Oo Maydkiisa Laga Helay Huteelka Maansoor Ee Berbera
February 25, 2014 - Written by Editor:BARBERA(WAJAALENEWS) ;Taliyaha qaybta booliska ee Gobolka Saaxil, Cali Cabdi Xayd, ayaa ka hadlay Geerida nin u dhashay dalka Jarmalka oo ku geeriyooday Huteelka Maansoor ee Magaalada Berbera, kaasi oo la sheegay inuu u shaqeynayey hay’adda GIZ oo laga leeyahay dalka Jarmalka.Taliyaha qaybta booliska ee Gobolka Saaxil, Cali Cabdi Xayd, ayaa sheegay in baadhitaano ay ku sameeyeen dhimashada ninka ay ku ogaadeen inuu u dhintay si caadi ah isla-markaana aanay cidna ka dambayn.Taliyuhu wuxuu sheegay in markii maamulka huteelka Maansoor ee Berbera u soo sheegay dhimashada ninkaasi ay iyaguna u yeedheen Maamulka degmada Berbera iyo ka Gobolkaba isla-markaana iyaga oo kaashanaya qaar ka mid ah shaqaalaha hay’addii uu u shaqeynayey ay ugu galeen qolkii uu huteelka ka deganaa ee uu ku geeriyooday isla-markaana baadhitaan ka dib ogaadeen inuu si dabiiciya isaga dhintay.Taliyaha booliska gobolka Saaxil, Cali Cabdi Xayd, oo shalay u waramay Telefiishanka HCTV, ayaa isaga oo arrimahaasi ka hadlaya yidhi “Ninka waxa la odhan jiray Alexader, waxaanu ahaa Jarmal, waxaanu dhintay geeri caadiya, cid ka dambaysay iyo cid ku lug lahayd midna ma jirto, annaguna boolis ahaan waxaanu ognahay in ninkaasi geeri caadiya dhintay, dhakhtarkuna sidaas ayuu caddeeyay, ninkaasina wuxuu la taliye u ahaa hay’adda la yidhaahdo GIZ, waddanka wuxuu yimid 11/02/2014, waxaanu markaasi ka soo degay Madaarka Berbera, isaga oo ka soo duulay Nairobi”
Taliyaha oo sii hadlaya ayaa sheegay “Huteel Maansoor-Berbera ayaa noo soo sheegay (Geeridiisa), markaa ka dib annaga oo kaashanayna hay’addii uu la shaqeynayey, una yeedhnay Maayarka Berbera, Xoghayaha Gobolka, waxaana nagala qayb-qaatay laba nin oo ka mid ahaa ajaanibkii ku jiray meesha (Huteel Maansoor) oo midkood u shaqeynayey hay’adda WFP, markii aanu u tagnay albaabku wuu u soo ceshanaa, ka dibna nin ka mid ahaa raggii ajaanibka ahaa ayaa naga hor galay qolkii uu yaalay, annaguna waanu ka deba galnay, waxaanu aragnay ninkaasi (ninka dhintay) oo qaawan, nigis kaliya xidhan oo jirjirka u jiifa, jidhkiisuna kala baxsan yahay, afka iyo sankana uu dhiig ka yimid, dabadeedna ninkii ajaanibka ahaa ayaa taabtay oo yidhi ninku waa mayd” ayuu yidhi.WAJAALENEWS DESK HARGEISA SOMALILAND EMAIL;wajalenews@gmail.com
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|