“Tahriibka Dhallinyarada Somaliland ma aha AAFO Qarane waa FADEEXAD Qaran oo u baahan tallaabooyin ka duwan wacyigalinta maaweelada caruurta ah ee ay dawladdii keentay kaga jawaabayso” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Tahriibka Dhallinyarada Somaliland ma aha AAFO Qarane waa FADEEXAD Qaran oo u baahan tallaabooyin ka duwan wacyigalinta maaweelada caruurta ah ee ay dawladdii keentay kaga jawaabayso”
February 5, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS Hayaanka ama Tahriibku sidiisaba waa MASIIBO ay aadanaha (ama qaybo bulshada ka mid ah) ku khasabto nooc ka mid ah mushkiladaha adduunyada ee ka hor yimaadda nolosha iyo xasilloonida, taas oo adkaanshaha xallinteeda uu ka door bidayo inu u badheedho kuwo laga yaabo inaanu cawaaqibkooda u dhaado lahayn. Si kale haddii loo yidhaahdo waa mawduuc ka shidaal qaadanaya heerka qanaacadda bulshadu taagan tahay, culayska nololeed ee saaran iyo qaabka uu guddoonsaday inu ku maareeyo.

In la daweeyo masiibadani waa hawl u baahan in si taxadir leh ay u wada dareemaan, iskula cayimaan xaqiiqada jirta, qaabka loo maarayn karayo iyo filashada natiijadaba inta ay tooska u khusaysaa. Si kooban haddii aan u tilmaanno dalka Somaliland wuxu soo maray marxalado kala duwan oo huwanaa noocyo Tahriib ah, haba kala daraadaane, laguna xalliyey sifooyin kala duwan.

1984-1990       Waxa dhacday mishkilad khasab kaga dhigtay dalka dhammaantiis in laga qaxay, tahriibkii ugu ballaadhnaana dhacay.

1991-1992       Waxa dhacday marxalad keentay in laga hayaamay gobollada cidhifyada dalka.

1994-1996       Waxa iyana jirtay ilaa xad marxalad tahriib ku khasabtay degaanno ka tirsan gobollada dhexe ee dalka.

2010-2013       Waxa dhacay, illaa haddana sii xoogaysanaya tahriibkii labaad ee ugu ballaadhnaa, kaas oo si siman u wada saameeyey gobollada dalka oo dhan, kuna began intii xukuumadda hadda jirtaa talada dalka la wareegtay.

Haddaba mishkiladihii keenay Tahriibyadii kala duwanaa ee hore way ka duwanaayeen dhibaatada  maanta keenay inay qayb wayn oo bulshada ka mid ahi waqtigan hayaan ku jirto (Jiilasha gaashaan qaadka ah) dalka dhammaantiis. Taas darteed ayuu xalka loo baahan yahay iyo qaabka loo waajahayaaba uga duwan yahay habkii loo maray xallinta mushkiladihii hore. Jiilasha ay Masiibadan ku habsatay ma aha beeralayda, xoolo dhaqatada, kalluumaysiga iyo xataa suuq joogta loo yaqaanno Muruq-maalka kuwaas oo ay macquul noqon lahayd in laga wacyi galiyo khataraha aanay waxba kala socon ee ku xeeran dhabbada laga hayaamo. Ma aha in la iska indho tiro xaqiiqada ah in dadkan raxan raxanta u hayaamayaa ay yihiin aqoonyahankii da’da yaraa iyo xooggii loo soo barbaariyey dhismaha iyo horumarinta dalkooda. In loo muujiyo in la garan la’ yahay sababaha ay u beegsanayaan halista muuqataa waxay gef ku tahay caqligooda/aqoontooda, in loola badheedho hadallo aan u cuntamayninna waxay tahay dagaal lagu beegsanayo moralka iyo maskaxda dhallinyarada.

Xuddunta mushkiladan tahriibka sababayna waa mid ku aroorta khariidadda (jihada ay u socoto) hogaaminta dhaqaalaha, maamulka & bulshada ee dalkooda. Waxa jira farqi wayn oo u dhaxeeya Jiilashan iyo madaxda hogaaminta siyaasadda ee dalka kuna saabsan fahamka macaha & mabaadii’da asaasiga ah ee dimuqraadiyadda. Farqiga jiraa waa midka ku qancinaysa jiilasha da’ yarta in aanay muddada dhow/dhexe wax calaf ahi ugu jirin (fursadi uga banaanayn) inay ka sii dhur sugaan hanaankan. Farqigani waa mid aan u saamaxayn jiilasha Somaliland inay gaadhaan xal dhexe iyo aragti midaysan oo lagu maareeyo MASIIBADA Tahriibka ee ku habsatay qayb muhiim ah oo bulshada ka tirsan. Si kooban haddaan u tilmaamo qaar ka mid ah farqiga jira kuwa ugu muhiimsan waxa ka mid ah xidhiidhka toga nee ka dhexeeya mabda’a  Siyaasad- Tolaynta, Shaqo la’aanta iyo Tahriibka:

a)      Mabaadii’ la’aanta Garabyada Siyaasadeed ee Dalka: Garabyada kala duwan ee ku loollamayey hoggaaminta talada siyaasadeed ee dalka ayaanay muuqan mabaadii’da iyo afkaaraha siyaasadeed ee ay ku kala duwan yihiin marka laga reebo inay ku kala suntan yihiin hayb qabiil. Taas waxa tusaale innoogu filan inay kaadirrada ku kala abtirsada garabyada kala duwan laftoodu ay koox koox ugu kala Tahriibaan iyagoon shacbigooda siinin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta keentay tahriibkooda. Noocan tahriib ee kaadirrada dhexdoodu waxay muujinaysaa mugdiga iyo jaho wareerka siyaasadeed ee ka jira dalka iyo waliba sida aanay u jirin qorshe sugan oo ay qaybaha kala duwan ee bulshadu ka wada dheehan karaan xaqiijinta danahooda iyo xuquuqahooda asaasiga ah.

b)      Shir beeleedyada iyo Go’aannada ka soo baxa: Marka si dhow loo derso baahida keenta iyo go’aannada ka soo baxa shirbeeleedyada lagu toleeyo hoggaaminta siyaasadda dalka, waxan aragnaa inay ku qotomaan baadi goobka habkii ay madaxda dhaqanka & kaadirrada beeluhu saamigooda uga heli lahaayeen kuwa dhiggooda ah ee ay talada isku hayaan. Hase yeeshee meelna lagagama xuso qodob kaliya oo dhallinyarada beelaha iyo xataa qaybaha kale ee bulshadooda dammaanad ku siinaya sugidda xuquuqahooda iyo qaababka ay dhiggooda dalka wax ula qaybsanayaan si looga baajiyo falalka uu tahriibku ka mid yahay. Xaqiijinta xuquuqaha iyo danaha iska soo horjeeda ee kaadirada beelaysan iyo fulinta ballan qaadyadii madasha Tolaynta ee la isku dhaarsaday ayaa xuddun u ah murannada iyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka socda maanta. Xisbiyada siyaasadeed, golayaasha qaranka iyo kuwa beelahaba waxa mabda’ iyo aragti siyaasadeedba u ah farriimaha & go’aannada lagu guddoonsado shirbeeleedyada, taas ayaana haykalka dawladnimo ee dalkan maanta ka dhigtay mid gabi ahaanba ka arradan ku dhaqanka xubnaha ama tiirarka asaasiga ah ee dimuqraadiyadda iyo hoggaan suubbanida.

Sidaa daraadeed, heerarka xawliga tahriibka dhallinyarada ee afartii sano ee ugu dambeeyey haddaan u kuur gallo waxa innoo muuqanaysa xidhiidhka furan ee u dhexeeya rajada dhallinyarada iyo isbaddallada siyaasadeed ee dalka ka dhacayey. Korodhka xawaaraha tahriibka ee maangadka noqday gaar ahaanna intii ka dambaysay dabayaaqadii 2010kii ma aha mid lagu macnayn karo korodh ku yimid heerka garaad darrada ama aqoon darrada dhallinyarada ka haysata khataraha jidka hayaanka,taas darteedna loo baahan yahay in laga wacyi galiyo ama laga madadaaliyo. Hase yeeshee waa mashaqo salka ku haysa kor u kaca heerka niyad jabka iyo rajo xumada ay dhallinyarada aqoon yahanka ahi ka muujinayaan filashadii isbaddalkii dalka ka dhacayey iyo rajadii ay ka qabeen hanaanka hogaamineed ee dawladda talada dalka haysa waqtigan oo hungo ku dambeeyey. Sidaa darteed, xalka masiibadani waa mid u baahan isbaddallo siyaasadeed

HARGEISA WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews desk

COMMENTS
LINKS