|
|||||
WAJAALE NEWS
Taariikh-nololeedkii Ra’iisal wasaarihii Hore Ee Somaliya Cabdirisaaq X.Xuseen.
February 1, 2014 - Written by Editor:Cabdirisaaq ayaa u geeriyoodey xanuun xagga sanbabka ka haleelay,iyadoo la sheegay in waqti hore xanuun xagga sanbabka ahi ku dhacay. ayaa la sheegay inay qoyskiisu doorbideen in lagu aaso dalka maraykanka hase yeeshee weli lama go’aamin halka lagu aasi doono C/risaaq Xaaji Xussen Xassan wuxuu ku dhashay Gaalkacyo sanadku markuu ahaa 1924tii. Ka dib markii ay koonfurta dalka Soomaaliya ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyadii gobannimodoonka Soomaaliyeed horraantii sanadkii 1943dii C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu xubin firfircoon ka noqday dhaqdhaqaaqii xornimadoonka Soomaaliyeed ee Somali Youth League ee “SYL”, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ay maamulkii maxmiyadda ee Qaramada Midoobay ee la oran jiray United Nations Trusteeship of Italy sida weyn ula shaqeyn jiray. Sidoo kale wuxuu xubin baarlamaan ka noqday baarlamaannadii rayidka ahaa ee dowladihii madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan & C/rashiid Cali Sharmaarke, wuxuuna dalka ra’iisul wasaare ka noqday dalka Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 14kii bishii June sanadkii 1964tii illaa 15kii bishii July sanadkii 1967dii. Ka dib afgembigii aan dhiigga ku daadan ee ay ciidamada kula wareegeen awoodda dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa xubnihii loo taxaabay xabsi guriga, muddo ka dibse laga sii daayay. Dowladdii madaxweyne Max’ed Siyaad Barre ayaa u magacowday Cabdirisaaq Danjirihii dalka Soomaaliya u fadhin jiray Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dabayaaqadii sanadihii 1976dii illaa 1978dii, wixii intaas ka dambeeyayna wax mas’uuliyad ah kama qaban gudaha dalka Soomaaliya. Markii la riday dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa odayaashii Soomaaliyeed ee dadaalka u galay dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed isla markaana wax ka saxiixay shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Djibouti ee dalka jamhuuriyadda Jibouti. C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa xubnihii isu soo sharaxay inay hoggaamiyaan dhismihii maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee la dhisay bishii August sanadkii 1998dii, wuxuuna siyaasadda isaga fadhiistay ka dib markii uu kaga guuleystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed. Dhismihii dowladdii madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jibouti bishii August sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay in uu xubin ka noqdo guddi ka koobnaa 25 xubnood, guddigaas oo la oran jiray National Commission for Reconciliation & Property Settlement of Somalia, taariikhdu markii ay aheyd 6dii bishii May, sanadkii 2001da, arrintaas oo ay si weyn uga soo horjeestay maamulkii Puntland ee Col. C/llaahi Yuusuf, wuxuuna C/risaaq Xaaji Xussein xilkaasi si buuxda isaga casilay 25kii bishii July, sanadkii 2001. Madaxweyne Aaden Cadde & ra’iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein & madaxweynaha
Ra’iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu muddo ku noolaa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, isaga oo ay da’diisu ahayd ilaa 90 jir. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|