|
|||||
WAJAALE NEWS
Shiinaha iyo Taiwan oo wadahadal u furmay mudo kadib
February 11, 2014 - Written by Editor:WAJAALENEWS ;Shiinaha iyo Taiwan waxaa u billawday wadahadalladii ugu heerka sarreeyay tan iyo dagaalkii sokeeye ee Shiinaha 1949. Ilaa haatan lama sheegin waxa uu yahay ajendaha wadahadalka oo loo arko in lagu doonayo in lagu dhiso kalsoonida u dhexaysa labada dhinac. Shiinaha ayaa aaminsan in Taiwan ay qeyb ka tahay dhulka Shiinaha. Taiwan ayaa iyaduna sheegata magaca Jamhuuriyadda Shiinaha, waxayna sheegataa inta badan dhulka uu Shiinuhu ku fadhiyo MaraykankaZhang Zhijun, oo Shiinaha mas’uul ugu ah arrimaha Taiwan ayaa sheegay inay adagtahay in la rumaysto in labada dhinac ay is hor fariisteen. Maraykanka ayaa horey u sheegay inay ka go’antahay inay difaacaan Taiwan, in kasta oo uusan si rasmi ah u aqoonsanin dalkaas. Arrintan ayaa sabab u ahayd xiisad militeri oo u dhexaysay Shiinaha iyo Maraykanka tobankii sano ee la soo dhaafay. Xiriirka labada dhinac ayaa loo agaasimayay si aan rasmi ahayn dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Waxaa jiray ururro ganacsi iyo kuwa saaxibtinimo oo iyagu mas’uul ka ahaa xiriirka labada dhinac. Xiriirka ganacsi ee labada dhinac ayaa sii xoogaysanayay tan iyo sanadkii 2008-da, xilligaas oo uu Taiwan madaxweyne ka noqday Jing-jeou, oo u janjeero dhanka Shiinaha. WAJAALENEWS DESK EMAIL;wajalenews@gmail.com
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|