Sarakiil Ka Tirsan Xukuumada Somaliya Oo Lagu Dilay Gudaha Madaxtooyada Somaliya Iyo Tirada Dhimashada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sarakiil Ka Tirsan Xukuumada Somaliya Oo Lagu Dilay Gudaha Madaxtooyada Somaliya Iyo Tirada Dhimashada.
February 21, 2014 - Written by Editor:

Muqdisho(WAJAALENEWS)Weerer lagu qaaday xarunta madaxtooya dalka somaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Saraakiil ay ka mid yihiin Agaasimaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Max’ud Xirsi Cabdulle ( Indha case ) oo ka yimid Waqooyiga America kana mid ahaa Soomaalida dalka dib ugu soo laabtay iyo Jeneraal Nuur Shirbow oo ahaa Taliye Ku xigeenkii Nabad Suguda Qaranka Soomaaliya.

Wasiirka amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya,oo shirjaraa,id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa intaas ku daray in kooxihii weerarka kusoo qaaday madaxtooyada badankooda la qabtay qaarna sida uu sheegay la dilay isagoo aan sheegin tirada ay qabteen.

Xilliga weeraradan ay dhacayeen ayaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxay ku tukanayeen salaadda Jimcaha masaajid
ku yaalla gudaha madaxtooyada.Hase ahaatee, waxaa la xaqiijiyay in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu badqabo; balse ay jiraan saraakiil dowladda ka tirsan oo weerarkan lagu dilay.

Wasiirka ammaanka Qaranka C/kariin Guuleed ma sheegin khasaaraha nafeed ee weerarkan oo ahaa mid aad u xooggan ka dhashay, wuxuuse sheegay in Al-shabaab ay ku fashilantay weerar ay damacsanaayeen inay ku argagaxiyaan madaxtooyada.

“Al-shabaab way ku fashilmeen weerarka, waxaana kooxihii weerarka soo qaaday ay noqdeen kuwo dhintay iyo gacanta lagu dhisay,” ayuu yiri wasiirka oo shacabka ugu baaqay inay is-dajiyaan xalaadduna ay hadda daggan tahay.

Ma jirto cid weli cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaan, balse Al-shabaab ayaa looga bartay weerarrada noocan oo kale ah inay ka fuliyaan Muqdisho oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS