Raysal-Wasaarihii-Hore-Ee-Somaliya-Oo-Aasqaran-Maanta-Loogu-Sameeyey-Duleedka-Magaalada-Muqdisho. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal-Wasaarihii-Hore-Ee-Somaliya-Oo-Aasqaran-Maanta-Loogu-Sameeyey-Duleedka-Magaalada-Muqdisho.
February 7, 2014 - Written by Editor:

MUQDISHO WAJAALENEWS Alla ha Unaxariistee Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa maanta lagu aasay Duleedka Magaalada Muqdisho iyadoo dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud uu ka tacsiyeeyay.

Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa lagu aasay Qabuuraha Ceel Carfiid ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka soo qeyb galay , Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Madaxweynaha Maamulka Jubbalanad , Madaxweynaha Puntland , Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi , Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane C/faarax Shirdoon Saacid , C/qaadir Cali Boolaay oo ka tirsanaa Xubnihii Gobanimo doonka SYL  iyo weliba Ra’iisul Wasaaraha haatan Mudane Cabdi Weli Sheekh Axmed Max’ed.

mayd 5

Gabar uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa ugu horeyn Madasha aaska Saxaafadda kula hadashay taas oo sheegtay in ay uga Mahad Celineyso aaska loo sameeyay aabaheed ka qeyb galayaashii iyo Masuuliyiintii isku Howshay qaban qaabada aaskaan.

Dhinaca kale Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Ridwaan oo Saxaafadda isna la hadlay ayaa tibaaxay  in dhammaan u Madda Soomaaliyeed uu ka tacsiyeynayo Geerida Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

MUQDISHO OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS