|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay oo Abaalmarinno siisay Afar Wariye+ Sawiro.
February 18, 2014 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):- Qaramadda midoobay oo kaashanaysa ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA, ayaa abaalmarino siisay afar wariye oo ku guulaystay tartan ay u qabteen sufuxiyiinta Somaliland. Suxufiyiintan ayaa abaalmarinada ku helay barmaaijyo ay ka diyaariyeen Xog baadhista saxaafadda (Investigate journalism), xuquuqal insaanka, dhalinyaradda iyo arrimaha bulshadda. Is-duwadaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, ayaa abaalmarinno guddoonsiiyey afar weriye oo ka kala tirsan hay’adaha warbaahinta, kuwaas oo ku guulaystay tartan qoraal ah oo la xidhiidha arrimaha bulshada.
“Suxufiyiintu sannadihii la soo dhaafay waxay muujiyeen dedaal wax-ku-ool ah oo ay ku soo bandhigeen arrimaha bani’aadanimo iyo kuwa horumarineed ee dalka ka jira. Qaramada Midoobay waxa ka go’an dhisidda warbaahin xooggan, firfircoon oo masuul ah, taas oo ka shaqaysa danta dadka Soomaalida ah,” ayuu yidhi xidhiidhiyaha bani’aadanimadda qaramadda midoobay Lazzarini. Wariyayaasha la guddoonsiiyay abaal-marinaha ayaa kala ah: Barkhad-Ladiif Maxamed Cumar wariyaha HOL ee Hargeysa, Naasir Maxamed Cabdiaahi, Saleebaan Cabdi Cali Kalshaale iyo Khadar Maxamed. Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe, Maxamed Cismaan Fadal oo ka tirsan madaxda Wadani iyo wasiiradda Warfaafinta, Arrimaha Bulshada iyo shaqada, Daladda Nagaad iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOLJA oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday doorka Saxaafaddu ku leedahay arrimaha Bulshada, waxaanay dhamaantood ku booriyeen in ay iska xil saaraan warar tabinta iyo Horumarka Dalka. Sidoo kale, munaasibad sidan oo kale waxa ay ka kala dhacay Garoowe iyo Muqdisho oo wariyeyaal ku guulaystay abaalmarinta la gudoonsiiyey abaalmarino. Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|