|
|||||
WAJAALE NEWS
MUQDISHO: Qarax goor dhowayd ka dhacay jidka Maka Al-mukarama
February 10, 2014 - Written by Editor:MUQDISHO WAJAALENEWS Qarax ayaa goor dhow ka dhacay jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho. Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu ku qarxay inta u dhexeysa Taree Biyaano iyo KM4. Bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, gaar ahaan laamaha ammaanka ee gobolka Hiiraan. Axmed Cumar Mudane oo ah gudoomiye ku-xigeenka guddiga amniga gobolka Hiiraan ayaa wararka lagu helayaa inuu qaraxaas ku dhaawacmay. Faah faahin dheeraada ah lagama hayo qaraxa iyo weliba khasaaraha uu geystey, wuxuuse ahaa mid aad u xooggan oo jugtiisa laga maqlay goobo aad uga fog halka uu ka dhacay. Ciidamada ammaanka oo daqiiqado kaddib goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ayaa xiray qaybo kamid ah jidka KM4. Saraakiisha ammaanku weli qaraxan kama hadlin, sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo hadda mas’uuliyadda qaraxaas sheegatay. kal soco wixii kasoo kordha wajaalenews.com WAJAALENEWS DESK MUQDISHO OFFICE Related posts:GUDIDA QAADHAAN URURINTA EE WADA CEERIGAABO OO MAANTA LAGU SOO DHAWEEYEY AIRPORTKA HARGEISA.(Sawiro) Ergayga Midowga Yurub Ee Soomaaliya Oo Hargeysa Ka Sheegay Inay Dabecday Midnimadii Shacabka Reer So... Madaxdhaqameedka Gobolada Saaxil Iyo Togdheer Oo Ka Hadlay Shaqaaqo Kazoo Cusboonaatay Deegaanka Cal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|