|
|||||
WAJAALE NEWS
Munaasibada Lagag Hadlayey Sidii Loo Dabar Goyn Lahaa Qabyaalada Ayaa Maanta Lagu Qabtay Magaalada Hargaysa.
February 6, 2014 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):-Munaasibada balaadhan oo lagaga hadlayey sidii loo dabar goyn lahaa qabyaalada ayaa maanta lagu qabtay magaalada hargaysa. Kulan ayaa waxa soo qaban qaabisay jaamacadda Golis qaybteeda islaamiga ah,waxaana kasoo qayb galay wasiirko,salaadiin,aqoonyahan iyo marti sharaf kale oo badan. Ugu horen waxaana munaasibada ka hadlay Guddoomiyaha jaamacadda golisa Siciid Axmed Xasan waxaana uu sheegay inuu kulan kani yahay mid lagu cidhib tirayo Qabyaalada waxaana uu yidhi” Dhinaca kale Sheekh Yaasiin Ibraahin Cabdi oo ka mid ah sheekhyada jaamacadda golis ka dhiga qaybta sharciga oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sharxay waxa uu quraanku ka yidhi qabyaalada waxaana uu yidhi” Shaygan layidhaa qab-yaaladu waxa uu taabanayaa halkii ugu adkayd kaas oo waxa yeelo wayn ugaysan kara nabada galiyadii imika hadii ay laba reer is qabtaan waxa lagu xaliyaa qabiil,eraygaas layidhaa qabiilna waxaan anigu odhan lahaa waxaa weeyaan eray qaran dumis ah wasiirada xukuumada ka tirsan Iyana waxaan usoo jeedin lahaa in ay uga hawl gala sidii loo dabara goyn lahaa aafadaas dalkeenii iyo dadkii shacabka ahaaba ragaadisay. Waxa Isna Halkaasi Hadal Kasoo Jeediyey Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Dalxiiska Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo ku dheeraaday sidii loo dabar goyn lahaa qabyaalada soona jeediyey In goob loo sameeyo lagag aaso dadka waxaana uu yidhi” Waxaana anigu ka wasiir ahaan soo jeedin lahaa in la aaso qabyaalada inta kafan yar lagu xidho dadkana la isku keeno in laga aaso Ayaan anigu soo jeedin lahaa,waxaanan odhan lahaa jaamacada golis waa jaamacada kaliya ee ku dhiiratay in ay dadkeeda ka wacayi galiso qabyaalada Iyana waxaan odhan lahaa ilaahay ha ku garab galo. Waxa Munaasibada Ka Hadlay Wasiirka Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed waxaana uu sheegay inuu barti oo jimce ah masaajidada oo dhan gayn doon sidii ay uga hadli lahayeen qabyaalada shacabkan ugu wacyi-galin lahayeen waxaana uu yidhi” Dhibaatada ay qabyaaladu leedahay waxa kow ka ah dulmiga iyo cadaalada darada,imika qof kasta haduu naftiisa ku xukumo cadaalada dadka qaraabadiisa iyo dadka kale simo kaas ayaa wanaagsan lakiin aduu yidhaa kanaa reer hebela taas ayaa ah dulmi waxaana dadka ku wargiln lahaa in bari oo jimce ah khubada jimca lagag hadli doono qabyaalada oonu masaajidad uqaybin doon. Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka Haye Kulmiye Mujaadi Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay kulankan ayaa waxa uu carbak ku adkeeyey halka ugu horeysa ee qabyaaladu kasoo baxo waxaana uu yidhi” Qabyaaladu waxa uu qofku miciin ka dhigtaa mark uu wax ka wayn ay kusoo gud-bonadaan,qabyaaladu dhawr jeer ayey hoos udhacday markii la kiciyey isticmaarkii somaliduna guudo ahaan way ka tagtay waxan layidhaa qabyaalada,waxaana ay soo aamintay midnimo,intaas ka dib qabyaaladi waxa ay dib usoo noqotay markii ay dalka ka dhaceen dagaalo aad unaafeeyey midnimadii ay dadku soo qateen,waxaana dadka kusoo celiyey abwanadii somaliyeed iyagu habada dadka ku cabirayey. Gaba-Gabadii Waxa Munaasibada Soo Gunaanaday Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxame Waran Cade waxaana oo sheegay in qabyaaladu ay tahay waxa dadka ka galay lafta iyo dhuuxa dhexdooda waxaana uu yidhi” Ka u horeeyaa waxa weeyaan cadaalada waxaana disha uun qabyaalada ka 2aad waxa weeyaan nabada galiyada kaas iyada uunba disha oo ragaadisa,kas 3aad waxa weeyaan qaran nimada kaas iyaduunbaa dumisa,waxa alaala wixii isna soo raaca oo ay qabyaaladi dacalka kaga jirto oo ay nabada galisaaba aduunka ma jiro,markaas su,aasha iswaydiinta mudane waxa weeyaan maxaa lagu gaadhi karaa qaranimo ,waxaa lagu gaadhi karaa dadkeen oo aasa bahashaas layidhaa qabyaalada waxaana weeyaan aafo dadkeen kusoo dhexe dhacday waxaana ugu darantahay mar lagaa doorsho oo nin waliba oranayaa yaa reer hebel ah. Wajaale News Related posts:Madaxwayne kuxigeenka Kililka Oromada Oo Khudbad Ka Jeedisay Furitaanka Carwada Wax Soo Saarka Somal... Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay Dab Qabsaday Guri Daar ah oo ku yaala xaafada New Hargeysa. DAAWO; Sheekh .Maxamed Cumar Dirir Oo la Waydiiyay Su,aalo la Xidhiidha Soonka lyo Jawaabaha Uu Ka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|