Maxkamada gobolka Togdheer ayaa xukuno kala Duwan ku Riday 4 nin oo foojari gareeyey documentska wasaradaha maaliyadda iyo hawlaha guud | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada gobolka Togdheer ayaa xukuno kala Duwan ku Riday 4 nin oo foojari gareeyey documentska wasaradaha maaliyadda iyo hawlaha guud
February 25, 2014 - Written by Editor:

BURCO(Wajaalenews) Maxkamada gobolka burco ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 4 nin oo foojari gareeyey documentska wasarada maaliyadda iyo hawlaha guud sida shaabadaha iyo documentska wax lagu cashuuro sida entryga kastamada iyo waraaqaha wado marista iyo kala wareejinta,dambiga oo ay ku eedaysnayeen 6 qof  ayey maxkamadu 2 sii daysay, 2 ka mid ahna min laba sano ku xukuntay halka ninkii sameynayey iyo nin isuduwe wasarada hawlaha guud ee caynabo ugu qornaalagu xukumay  min afarsano oo xadhig  ah, waxana hawshaa qabqabteylaxaadleh ka qaatay kastamka beer ee ku yaala duleedka Burco. islamarkaana ku qoran inay dabagalaan wixii soo dhaafa kastamada bariga

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA /SOMALILAND

COMMENTS
LINKS