Maxaad Ka Taqaan Labaatanka Dilaal Ee Hore Ugu Saxeexnaa Mooshinkii Wax Ka Bedelka Xeer Hoosaadka Maantana Safka Hore Kaga Jira Mooshinada Xukumaddu Wadato? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad Ka Taqaan Labaatanka Dilaal Ee Hore Ugu Saxeexnaa Mooshinkii Wax Ka Bedelka Xeer Hoosaadka Maantana Safka Hore Kaga Jira Mooshinada Xukumaddu Wadato?
February 13, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS Maxaad Ka Taqaan Labaatanka Dilaal Ee Hore Ugu Saxeexnaa Mooshinkii Wax Ka Bedelka Xeer Hoosaadka Maantana Safka Hore Kaga Jira Mooshinada Xukumaddu Wadato?

 

 

Baayac Mushtaraynta Qaawan Ee Dalka lagu khalkhal gelinayo iyo Majarahabaabinta Masiirka Shacabku Waxa ay astaan unoqdeen qaar kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland.

 

Dhawaan ayey ahayd kolkii mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen mooshinkii wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha, kaaso labada gudoomiye kuraastoodana hoos loogu dhigay xilkana lagaga qaaday.

 

Ansaxinta wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha wakiiladu waxa uu saamayn xoogan ku yeeshay isla markaasina diidmo kakan kala hor timi xukuumada talada dalka haysa ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”,.

 

Shacabku waxa ay wax badan iska weydiinayaan sababta keentay muranka iyo khilaafka ka dhex aloosan Golaha wakiilada dhexdiisa iyo Xukuumada oo dhinac ah.

 

Hadaba si taasi bulshada ugu cadaato ayaanu baadhitaan saxaafadeed oo aanu ugu kuurgalay noo cadaatay sababta keentay khilaafkan khalkhalka geliyey dalka iyo Xiisada soo noqnoqontay ee ka dhex aloosan golaha taasi oo salka ku haysa dano gaar ahaaneed iyo ka Baayac mushtaraynta shakhsiyaadka macaash doon ah.

 

Waxa jira in ka badan 19 Xildhibaan oo saxeexay una codeeyey mooshinkii hore ee xeer-hoosaadka wax lagaga bedelay.

 

Xildhibaanadaasi waxa ay ku saxeexnaayeen oo ay u codeeyeen mooshinkii wax lagaga bedelay xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada ee labada ku-xigeen kuraastooda hoos loogu dhigay ,xilkana lagaga qaaday

 

Isla Xildhibaanadani waxay maantana ku saxeexan yihiin Mooshinka ay xukuumaddu dabada ka wado ee xeer-hoosaadkii ay dhawaan u codeeyeen wax lagaga bedelayo, laguna soo celinayo halkiisii.

 

Tani waxa ay marag ma doon u tahay danta qaran halka ay mudanayaashan ka taagan tahay iyo u jeedadoodu waxa ay tahay.

 

Warar badan oo mudooyinkan warbaahintu qaada dhigaysay ayaa nuxurkoodu ahaa in qaar kamid ah xildhibaanadii hore ugu codeeyey uguna saxeexna mooshinkii wax ka bedelka xeer-hoosaadka golaha wakiilada in xukuumadu iibsatay oo ay qaateen lacago laaluush ah oo si’ay uga soo horjeestaan wixii ay iyagu u codeeyeen.

 

(Waa xildhibaannada u codeeyey wax-ka-bedelkii Xeer-hoosaadka labada ku-xigeen ku lidka ahaa ee MAANTANA ku saxeexan Mooshinka mar kale wax lagaga bedelayo Xeer-Hoosaadka). Xildhibaannadan qaar kamid ahina waxa ay kamid ahaayeen guddiga joogtada ah ee xeer-hoosaadka wax-ka-bedelkiisa soo saxeexday, qaarna golaha ayay uga codeeyeen oo mooshinkii la keenay ayay saxeexeen.

 

Magacyada Xildhibaannada ka Ganacsada Khalkhalgelinta Wadanka

 

1. Ibrahim Cawaale Cabdi

 

2. Abubakar C/raxman Good

 

3. Maxamed Axmed Maxamud (Dhakool)

 

4. Siciid Maxamed Cilmi (Afweyne)

 

5. Cabdi Maxamed Jama (Gaagaale)

 

6. Maxamed Cumar Jiir

 

7. Maxamed Xuseen Ciise

 

8. Maxamed Baaruud Shide

 

9. cali bare

 

10. C/raxman Cismaan Caalin (C/raxman Dheere)

 

11. Ibrahim Axmed Raygal

 

12. Axmed Barkhad Obsiiye

 

13. C/raxman Muuse Jama

 

14. Xasan Maxamed Hufane

 

15. Axmed Saleban Sanweyne

 

16. Axmed Cabdi Kijaandhe

 

17. Siciid Cartan Cismaan

 

18. Cabdillahi Balaaki

 

19. C/raxman Tanyanle

 

20. Maxamuud Dhunkaal Guutaale

 

Labaatankan xildhibaan waxa ay kamid yihiin kuwii u codeeyey ee saxeexay mooshinkii hore ee xeer-hoosaadka wax lagaga bedelay, MAANTA waxay ay ku saxeexan yihiin Mooshinka Xukuumaddu wadato ee wax lagaga bedelayo xeer-hoosaadkii ay dhawaan u codeeyeen!

 

Haddaba waxa ay su’aashu tahay, maxaa shacabta Somaliland ee marka horeba dulmiga tirada badan tirsanahay maanta la gudboon? Tallaabo noocee ah ayaa laga qaadi karaa xildhibaannadan?

Shabakada Warsomali

 

COMMENTS
LINKS