Maxaa ka dambeeya siyaasadda gurracan ee uu wado Cabdiraxmaan Moosko (Cabdiraxmaan Ciro), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADANI | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa ka dambeeya siyaasadda gurracan ee uu wado Cabdiraxmaan Moosko (Cabdiraxmaan Ciro), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADANI
February 3, 2014 - Written by Editor:
W/Q:  Yuusuf  Ismaaciil Maxamed, Hargeisa

Sida ay taariikhdu qorayso ee inta caqliga leh  ee xog ogaalka ahi
ogtahay, illaa iyo markii ay Somaliland   xorriyadeeda ka qaadatay
dawladda Ingiriiska, intii ay midnimadii lagu khasaaray  kula jirtay
Somaliya, intii lagu jiray halgankii dib ula soo noqoshada qaranimada
dalkan iyo illaa iyo intii ka dambaysay markii  lagu dhawaaqay dib ula
soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland 18 May 1991,  nin nool iyo nin
dhintayba marba raggii iyo madaxdii la dooranayay ama dadka hormoodka
u ahaa ee kuwa golayaasha wadanka ee maantu ku jiraan, ninba taariikh
ayuu leeyahay iyo kaalin uu ka galay halganka, dhismaha dalka,
dawladnimada, nabadda, midnimada umadda Somaliland iyo horumarinta iyo
intaaba inta ku lidka ah ninba taarikh ayuu dalka ku leeyahay oo lagu
xasuusan doonaa.
Waa hubaal  oo  dadka Somaliland way garanayaan ninba intuu u gaystay
waxtar iyo waxyeelaba, waana hubaal  inay badanyihiin inta daacadnimo,
muwaadinnimo, waxqabad magac weyn iyo sumcad kaga kasbatay umadda
kartidooda shakshiyadda ilaahay u dhaliyay, dadnimadooda iyo damiirka
ay leeyihiin ama lahaayeen haddii xaqqu u yimi Ilaahay ha u
naxariistee.
Waxa sidoo  kale aan la dafiri  karin oo xaqiiq ah inay jiraan rag
badan oo nasiibku u siiyay inay talada dalka kaalin ka galaan balse
inta badan  aanay  bulshadu xataa marka lagu daro waxbadan ka ogayn
ama ka qarsoontahay inaanay daacad iyo dan u ahayn maslaxadooda.
Yaanay ila dheeraan araarta maqaalkani balse haddaan dulucda ujeedada
maqaalkan usoo daadego, iyadoo aan tixgelinayo  akhlaaqiyaadka
wanaagsan ee qoraalka aan  kaga waramayno taariikhda, isla markaana
aan ku dhaliilayno wixii khalad innoogu muuqda, waxan ka maarmi waayay
inaan  bulshada uga waramo shakhsiyadda iyo dhacdooyin xusid mudan oo
aan ogahay inaanay dad badan oo muwaadiniin ahi waxka ka ogayn
kuwaasoo  uu ku sifoobay Cabdiraxmaan Moosko (Cabdiraxmaan Cirro.
) marka loo eego hab dhaqanka siyaasadeed ee gurracan iyo qalalaasaha
siyaasadeed ee Guddoomiyaha Xisbiga Wadani, ahna Guddoomiyaha  Golaha
Wakiillada  Cabdiraxmaan Moosko (Cabdiraxmaan Cirro) uu dalka ka wado.
Maxaan uga jeedaa  maqaalkan?
Waxan u qorayaa maqaalkan, anigoo jecel inaan waxka taataabto
shakhsiyadda uu ku sifoobay Cabdiraxmaan Moosko oo maanta kursi laf
dhabar ah dadka iyo dalkaba ugu fadhiya, dareen aan shakhsiyan ka qabo
masuulkan inuu meel kale u socdo, doonayana inuu dalka fawdo geliyo.
Waxan sidan u leeyahay waxan arkayaa  hab dhaqanka siyaasadeed ee
gurracan  iyo xadiga dhaqaalaha lacageed ee  ay farraqayaan
Cabdiraxmaan Moosko iyo rag  ay isku ujeedo yihiin oo ah mid ka baxsan
sida caadiga ah kursiga uu fadhiyo iyo mushaharkiisa.  Waxan la
wadaagayaa xogtan  muwaadiiniin badan oo lexe jeclo badani dalka ka
hayso oo aan marnaba u dul qaadayn in qalalaase siyaasadeed dalka laga
abuuro iyo inay maskaxdooda la kaashadaan waxa suuroobi kara
Cabdiraxmaan Moosko markay dib u jaleecaan sooyaalka taariikheed ee
masuulkan.
Horta marka hore waxan jecelahay inaan is waydiinno su’aasha ah waa
kuma  Cabdiraxmaan Moosko?
Guddoomiyaha  Golaha Wakiillada wuxu siyaasadda dalka ku soo biiray
ama dalkaba lagu arkay kadib doorashadii baarlamaaka oo uu ka soo
baxay Xisbiga UCID, isla markaana  uu qabtay jagada uu maanta hayo ee
Kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Magaca immika loo yaqaanno ee Cabdillaahi Cirro waa magac loo bixiyay
kadib intii uu ku soo biray Xisbiga UCID.  Haseyeeshee,  aqoonta aan
anigu u leeyahay  masuulkan, waxa la odhan jiray Cabdiraxmaan Moosko,
waxanu ka tirsanaan jiray masuuliyiintii  Safaaraddii  Somaliya ku
lahayd dalka Mosco halkaasoo uu magacu ka raacay.  Markii ay duntay
dawladdii Afweyne, Cabdiraxmaan Moosko wuxu  kaligii iska dhex
fadhiyay safaaraddii dawladdaas duntay oo uu ahaa qofkii lagaga wada
tegay ee ugu dambeeyay, waxanu isagu ka tagay safaaradddaas  oo uu
iska dhiibay dalka Finland sannadihii 2000s. Ma jiro wax door ah ama
kaalin uu marnaba ku lahaa  Cabdiraxmaan Moosko halgannadi kala
duduwanaa  ee taariikhda dalku soo martay haddii ay tahay tii SNM iyo
haddii ay tahay marxaladihii kala danbeeyay ee nabadaynta iyo dhismaha
nidaamka dawladnimo ee Somaliland.
Cabdiraxmaan  Moosko waxa siyaasadda ku soo daray Faysal Cali Waraabe
xiligii lagu jiray doorashooyinkii deegaanka iyo bilawgi nidaamka
axsaabta kaasoo isagana waa Faysal Cali Waraabe la ogaa wuxu ugu abaal
guday ee burburinta  Xisbigii uu ka soo baxay ee UCID.
Marki uu dalka Finland noogu yimi Cabdiraxmaan Moosko, waxannu ahayn
jaalliyad ku midaysan magaca Somaliland, urur dhisan ah oo wada jir
iyo iskaashi buuxa u lahaa jaalliyadda dhexdeeda iyo waxtarka dalkaba,
waxanuna ka guulaysanay  qolyo reer Koonfureed ah oo khilaafaad badani
na dhexmaray.  Kadib guddiyo badan oo hoggaanka jaalliyadda u kala
dambeeyay, waxannu mar u doorannay  Cabdiraxmaan Moosko (Cabdiraxmaan
Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe gudida jaaliyadda.
Haseyeeshee, waxa dhacday inuu Cabdiraxmaan Moosko bilaabay inay ku
sheegaan ururkii dhisnaa ee jaalliyadda mid ay iyagu leeyihin, kuna
yidhaahaan dadkii Somaliland ee jaalliyadda usoo halgamay mid kale
samaysta.  Arrintaasi waxay sababtay   inaanu ka wareejinno maamulkii
jaalliyadda, waxanan usoo dhiibnay seddex mashruuc  oo dawladda
Finland ku caawisay dadka Somaliland, waxana so qaaday  Cabdiraxmaan
Moosko (Cabdiraxmaan Cirro) iyo rag ku weheliyay hawsha.
Musuqmaasuqii ugu weynaa  ee Cabdiraxmaan Moosko dalka ka gaystay:
Marki ay dalka yimaadeen  Cabdiraxmaan Moosko iyo xubno ay saaxiibbo
ahaayeen waxay ku kaceen khiyaamo qaran.  Mashaariicdii aannu jaaliyad
ahaan uso dhiibnay oo ahaa mashaariic dib u dejineed oo ballaadhan,
waxay ugu sheegeen Madaxweynihii hore  Maxamed X. Ibraahim Cigaal
(AHN) inay doonayaan dhul  weyn  oo ay dhawr boqol oo qoys oo laga soo
celinayo Finland looga dhiso guryo iyo adeeg mashruucaas oo dawladda
Finland maalgelinayso, gacantana ay ku hayaan.  Madaxweynihi arrintaa
u ka rumaystay waxanay dawladdu siisay  dhul baaxad weyn oo dhinaca
bari ee Hargeysa ku yaalla.
Markii ay Finland ku soo noqdeen si ay lacagtii maalgelinta dawladda
Finland uga helaan, waxay warbaahinta  Finland keeneen niman
dhalinyaro ah oo ay laba laba sharci sita kuwaasoo sheegay inay
doonayaan in dalkoodii Somaliland lagu celiyo.  Dawlada Finland way ka
aqbashay mashaariicdaas balse ma jiraan meel ay ka hirgeliyeen,
dhulkii baaxadda lahaa ee khiyaamada lagu qaatayna wuxu noqday hanti
ay Cabdiraxmaan Moosko (Cabdiraxmaan Cirro)  iyo dhawr  shakhsi oo
kale oo ku weheliyay khiyaamadan mulkiyeen o illaa maanta ay  kolba
qayb iibiyaan, kuna galeen siyaasadda.  Ayaan darrada dhacday
Cabdiraxmaan Moosko wuxu dib uga iibiyay  dhulkii qaar badan oo ka mid
ah dadkii jaalliyadda  Finland ee iyaga  magacooda lagu bixiyay dhulka
iyo maalgelintaba.
Khilaaf iyo  burburin uu Cabdiraxmaan Moosko u gaysay Jaalliyada
Somaliland ee Finland.
Markii uu noqday  Xildhibaanka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka, safarkii
koowaad ee uu ku soo noqday Finland, maadaama ay madax dalka ka socota
yihiin, isla markaana isaga Faysal Cali Waraababa ay jaalliyadayada ka
tageen, waxannu usoo dhawaynay si heer sare ah, waxanan ballan uga
samaynay Baarlamaanka dawladda Finland.  Cabdiraxmaan wuxu noqday
ninka maleegay inay burburto jaalliyadii magaca Somaliland ku soo
dhawaysay ee dhisnayd, waxanu  abaabulayjaalliyad kale oo noqota mid
uu isagu maamulo, isla markaana waxay isaga iyo saaxiibkii Faysal Cali
Waraabe sameeyeen  inay dawladda Finland  ka codsadeen in  ururka ay
iyagu samaysteen loo diwaangeliyo jaalliyadda Somaliland, waxanay u
sheegeen inay jaalliyaddii hore laga guuray oo ay tani sax tahay.
Cabdiraxmaan Moosko wuxu sidan sameeyay xilli ay jaalliyadda
Somaliland ee Finland ka mid ahayd jaalliyadaha ugu  waaweyn ee ka
jira dalkaas.
Waxanay arrintaasi dhalisay khilaaf  jaalliyadda dhexdeeda.  Maqaalkan
oo kaliya kuma soo koobi karo hadimooyinka uu dadkiisa u gaystay
Cabdiraxmaan Moosko gaar ahaan jaaliyaddaa Somaliland ee Finland,
khiyaamada iyo boobka, musuqa  hantiyeed iyo ku maxaafsashada magaca
jaalliyadda dalka gudihiisa ninka maanta doonaya inuu hamiyo kursiga
wadanka ugu sarreeya.
Qalalaasaha siyaasadeed ee Cabdiraxmaa Moosko dalka ka wado:
Cabdiraxmaan Moosko wuxu ku hanjabay dhawaan isagoo dalka dibaddiisa
jooga “Farta ayaa dhexda lagaga qaniini doonaa.”  Hadaba waxa is
waydiin leh waa ayo cidda uu u digayaa ama la hadlayaa  Cabdiraxmaan
Moosko?  Maxa wuxu la hadlayaa  Baarlamaanka?  Ma wuxu la hadlayaa
shacabka  Somaliland? Ma wuxu la hadlayaa  xukuumadda Somaliland?  Waa
su’aal  u baahan  in muwaadinka  Somaliland is waydiiyo oo dhuuxo
hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyaheenna Baarlamaanka, isla markaana
aan ku lifaaqno taas mustafaynta xildhibaannadii  Baarlamaanka ee
shacabku doortay oo intooda badan maanta u muuqda inay fulinayaan
ujeedooyinkiisa  marka loo eego xeerkii uu dhawaan Goluhu ansixiyay.
Hadaba waxan leeyahay oo aan ku soo gabagabaynayaa maqaalkan  dalkan,
qaranimada Somaliland, nabadda iyo nidaamka dawladeed ee aan maanta
haysanno laguma helin lacag  balse waxa la siistay  dhiig  badan oo
loo daadiyay, halgan naf iyo maalba qaatay iiyo tacab shacabka
Somaliland wada geliyeen.  Maantana waa shacabka Somaliland kuwa
ilaashanaya qaranimadooda ee lacag meel laga soo qaatay iyo mashruuc
lagu soo qaato waxyeelladooda aan waxba lagaga qaadi karayn.
Cabdiraxmaan Moosko waxan leeyahay saaxiib adigoo aan halgankii dalkan
ee kala dambeeyay meella aan taariikh kaga lahayn oo hadana ilaahay
nasiib kuu siiyay inaad ku fadhiisato mid ka mid ah kuraasta dalka ugu
sarreeya, waliba ka shaqaysato  dadka iyo dalka Somaliland oo adduun
iyo hant ka samaysato, adigoo Guddoomiyihii Baarlamaanka ah hadana
Xisbi Siyaasadeed furato, saaxiib uguma bedeli kartid dadkan inaad
hadimo ka taliso.

Allaa Mahad Leh

Yuusuf  Maxamed Ismaaciil
Hargeisa

COMMENTS
LINKS