W/Q: Yuusuf Ismaaciil Maxamed, Hargeisa
Sida ay taariikhdu qorayso ee inta caqliga leh ee xog ogaalka ahi
ogtahay, illaa iyo markii ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay
dawladda Ingiriiska, intii ay midnimadii lagu khasaaray kula jirtay
Somaliya, intii lagu jiray halgankii dib ula soo noqoshada qaranimada
dalkan iyo illaa iyo intii ka dambaysay markii lagu dhawaaqay dib ula
soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland 18 May 1991, nin nool iyo nin
dhintayba marba raggii iyo madaxdii la dooranayay ama dadka hormoodka
u ahaa ee kuwa golayaasha wadanka ee maantu ku jiraan, ninba taariikh
ayuu leeyahay iyo kaalin uu ka galay halganka, dhismaha dalka,
dawladnimada, nabadda, midnimada umadda Somaliland iyo horumarinta iyo
intaaba inta ku lidka ah ninba taarikh ayuu dalka ku leeyahay oo lagu
xasuusan doonaa.
Waa hubaal oo dadka Somaliland way garanayaan ninba intuu u gaystay
waxtar iyo waxyeelaba, waana hubaal inay badanyihiin inta daacadnimo,
muwaadinnimo, waxqabad magac weyn iyo sumcad kaga kasbatay umadda
kartidooda shakshiyadda ilaahay u dhaliyay, dadnimadooda iyo damiirka
ay leeyihiin ama lahaayeen haddii xaqqu u yimi Ilaahay ha u
naxariistee.
Waxa sidoo kale aan la dafiri karin oo xaqiiq ah inay jiraan rag
badan oo nasiibku u siiyay inay talada dalka kaalin ka galaan balse
inta badan aanay bulshadu xataa marka lagu daro waxbadan ka ogayn
ama ka qarsoontahay inaanay daacad iyo dan u ahayn maslaxadooda.
Yaanay ila dheeraan araarta maqaalkani balse haddaan dulucda ujeedada
maqaalkan usoo daadego, iyadoo aan tixgelinayo akhlaaqiyaadka
wanaagsan ee qoraalka aan kaga waramayno taariikhda, isla markaana
aan ku dhaliilayno wixii khalad innoogu muuqda, waxan ka maarmi waayay
inaan bulshada uga waramo shakhsiyadda iyo dhacdooyin xusid mudan oo
aan ogahay inaanay dad badan oo muwaadiniin ahi waxka ka ogayn
kuwaasoo uu ku sifoobay Cabdiraxmaan Moosko (Cabdiraxmaan Cirro.
) marka loo eego hab dhaqanka siyaasadeed ee gurracan iyo qalalaasaha
siyaasadeed ee Guddoomiyaha Xisbiga Wadani, ahna Guddoomiyaha Golaha
Wakiillada Cabdiraxmaan Moosko (Cabdiraxmaan Cirro) uu dalka ka wado.
Maxaan uga jeedaa maqaalkan?
Waxan u qorayaa maqaalkan, anigoo jecel inaan waxka taataabto
shakhsiyadda uu ku sifoobay Cabdiraxmaan Moosko oo maanta kursi laf
dhabar ah dadka iyo dalkaba ugu fadhiya, dareen aan shakhsiyan ka qabo
masuulkan inuu meel kale u socdo, doonayana inuu dalka fawdo geliyo.
Waxan sidan u leeyahay waxan arkayaa hab dhaqanka siyaasadeed ee
gurracan iyo xadiga dhaqaalaha lacageed ee ay farraqayaan
Cabdiraxmaan Moosko iyo rag ay isku ujeedo yihiin oo ah mid ka baxsan
sida caadiga ah kursiga uu fadhiyo iyo mushaharkiisa. Waxan la
wadaagayaa xogtan muwaadiiniin badan oo lexe jeclo badani dalka ka
hayso oo aan marnaba u dul qaadayn in qalalaase siyaasadeed dalka laga
abuuro iyo inay maskaxdooda la kaashadaan waxa suuroobi kara
Cabdiraxmaan Moosko markay dib u jaleecaan sooyaalka taariikheed ee
masuulkan.
Horta marka hore waxan jecelahay inaan is waydiinno su’aasha ah waa
kuma Cabdiraxmaan Moosko?
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada wuxu siyaasadda dalka ku soo biiray
ama dalkaba lagu arkay kadib doorashadii baarlamaaka oo uu ka soo
baxay Xisbiga UCID, isla markaana uu qabtay jagada uu maanta hayo ee
Kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Magaca immika loo yaqaanno ee Cabdillaahi Cirro waa magac loo bixiyay
kadib intii uu ku soo biray Xisbiga UCID. Haseyeeshee, aqoonta aan
anigu u leeyahay masuulkan, waxa la odhan jiray Cabdiraxmaan Moosko,
waxanu ka tirsanaan jiray masuuliyiintii Safaaraddii Somaliya ku
lahayd dalka Mosco halkaasoo uu magacu ka raacay. Markii ay duntay
dawladdii Afweyne, Cabdiraxmaan Moosko wuxu kaligii iska dhex
fadhiyay safaaraddii dawladdaas duntay oo uu ahaa qofkii lagaga wada
tegay ee ugu dambeeyay, waxanu isagu ka tagay safaaradddaas oo uu
iska dhiibay dalka Finland sannadihii 2000s. Ma jiro wax door ah ama
kaalin uu marnaba ku lahaa Cabdiraxmaan Moosko halgannadi kala
duduwanaa ee taariikhda dalku soo martay haddii ay tahay tii SNM iyo
haddii ay tahay marxaladihii kala danbeeyay ee nabadaynta iyo dhismaha
nidaamka dawladnimo ee Somaliland.
Cabdiraxmaan Moosko waxa siyaasadda ku soo daray Faysal Cali Waraabe
xiligii lagu jiray doorashooyinkii deegaanka iyo bilawgi nidaamka
axsaabta kaasoo isagana waa Faysal Cali Waraabe la ogaa wuxu ugu abaal
guday ee burburinta Xisbigii uu ka soo baxay ee UCID.
Marki uu dalka Finland noogu yimi Cabdiraxmaan Moosko, waxannu ahayn
jaalliyad ku midaysan magaca Somaliland, urur dhisan ah oo wada jir
iyo iskaashi buuxa u lahaa jaalliyadda dhexdeeda iyo waxtarka dalkaba,
waxanuna ka guulaysanay qolyo reer Koonfureed ah oo khilaafaad badani
na dhexmaray. Kadib guddiyo badan oo hoggaanka jaalliyadda u kala
dambeeyay, waxannu mar u doorannay Cabdiraxmaan Moosko (Cabdiraxmaan
Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe gudida jaaliyadda.
Haseyeeshee, waxa dhacday inuu Cabdiraxmaan Moosko bilaabay inay ku
sheegaan ururkii dhisnaa ee jaalliyadda mid ay iyagu leeyihin, kuna
yidhaahaan dadkii Somaliland ee jaalliyadda usoo halgamay mid kale
samaysta. Arrintaasi waxay sababtay inaanu ka wareejinno maamulkii
jaalliyadda, waxanan usoo dhiibnay seddex mashruuc oo dawladda
Finland ku caawisay dadka Somaliland, waxana so qaaday Cabdiraxmaan
Moosko (Cabdiraxmaan Cirro) iyo rag ku weheliyay hawsha.
Musuqmaasuqii ugu weynaa ee Cabdiraxmaan Moosko dalka ka gaystay:
Marki ay dalka yimaadeen Cabdiraxmaan Moosko iyo xubno ay saaxiibbo
ahaayeen waxay ku kaceen khiyaamo qaran. Mashaariicdii aannu jaaliyad
ahaan uso dhiibnay oo ahaa mashaariic dib u dejineed oo ballaadhan,
waxay ugu sheegeen Madaxweynihii hore Maxamed X. Ibraahim Cigaal
(AHN) inay doonayaan dhul weyn oo ay dhawr boqol oo qoys oo laga soo
celinayo Finland looga dhiso guryo iyo adeeg mashruucaas oo dawladda
Finland maalgelinayso, gacantana ay ku hayaan. Madaxweynihi arrintaa
u ka rumaystay waxanay dawladdu siisay dhul baaxad weyn oo dhinaca
bari ee Hargeysa ku yaalla.
Markii ay Finland ku soo noqdeen si ay lacagtii maalgelinta dawladda
Finland uga helaan, waxay warbaahinta Finland keeneen niman
dhalinyaro ah oo ay laba laba sharci sita kuwaasoo sheegay inay
doonayaan in dalkoodii Somaliland lagu celiyo. Dawlada Finland way ka
aqbashay mashaariicdaas balse ma jiraan meel ay ka hirgeliyeen,
dhulkii baaxadda lahaa ee khiyaamada lagu qaatayna wuxu noqday hanti
ay Cabdiraxmaan Moosko (Cabdiraxmaan Cirro) iyo dhawr shakhsi oo
kale oo ku weheliyay khiyaamadan mulkiyeen o illaa maanta ay kolba
qayb iibiyaan, kuna galeen siyaasadda. Ayaan darrada dhacday
Cabdiraxmaan Moosko wuxu dib uga iibiyay dhulkii qaar badan oo ka mid
ah dadkii jaalliyadda Finland ee iyaga magacooda lagu bixiyay dhulka
iyo maalgelintaba.
Khilaaf iyo burburin uu Cabdiraxmaan Moosko u gaysay Jaalliyada
Somaliland ee Finland.
Markii uu noqday Xildhibaanka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka, safarkii
koowaad ee uu ku soo noqday Finland, maadaama ay madax dalka ka socota
yihiin, isla markaana isaga Faysal Cali Waraababa ay jaalliyadayada ka
tageen, waxannu usoo dhawaynay si heer sare ah, waxanan ballan uga
samaynay Baarlamaanka dawladda Finland. Cabdiraxmaan wuxu noqday
ninka maleegay inay burburto jaalliyadii magaca Somaliland ku soo
dhawaysay ee dhisnayd, waxanu abaabulayjaalliyad kale oo noqota mid
uu isagu maamulo, isla markaana waxay isaga iyo saaxiibkii Faysal Cali
Waraabe sameeyeen inay dawladda Finland ka codsadeen in ururka ay
iyagu samaysteen loo diwaangeliyo jaalliyadda Somaliland, waxanay u
sheegeen inay jaalliyaddii hore laga guuray oo ay tani sax tahay.
Cabdiraxmaan Moosko wuxu sidan sameeyay xilli ay jaalliyadda
Somaliland ee Finland ka mid ahayd jaalliyadaha ugu waaweyn ee ka
jira dalkaas.
Waxanay arrintaasi dhalisay khilaaf jaalliyadda dhexdeeda. Maqaalkan
oo kaliya kuma soo koobi karo hadimooyinka uu dadkiisa u gaystay
Cabdiraxmaan Moosko gaar ahaan jaaliyaddaa Somaliland ee Finland,
khiyaamada iyo boobka, musuqa hantiyeed iyo ku maxaafsashada magaca
jaalliyadda dalka gudihiisa ninka maanta doonaya inuu hamiyo kursiga
wadanka ugu sarreeya.
Qalalaasaha siyaasadeed ee Cabdiraxmaa Moosko dalka ka wado:
Cabdiraxmaan Moosko wuxu ku hanjabay dhawaan isagoo dalka dibaddiisa
jooga “Farta ayaa dhexda lagaga qaniini doonaa.” Hadaba waxa is
waydiin leh waa ayo cidda uu u digayaa ama la hadlayaa Cabdiraxmaan
Moosko? Maxa wuxu la hadlayaa Baarlamaanka? Ma wuxu la hadlayaa
shacabka Somaliland? Ma wuxu la hadlayaa xukuumadda Somaliland? Waa
su’aal u baahan in muwaadinka Somaliland is waydiiyo oo dhuuxo
hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyaheenna Baarlamaanka, isla markaana
aan ku lifaaqno taas mustafaynta xildhibaannadii Baarlamaanka ee
shacabku doortay oo intooda badan maanta u muuqda inay fulinayaan
ujeedooyinkiisa marka loo eego xeerkii uu dhawaan Goluhu ansixiyay.
Hadaba waxan leeyahay oo aan ku soo gabagabaynayaa maqaalkan dalkan,
qaranimada Somaliland, nabadda iyo nidaamka dawladeed ee aan maanta
haysanno laguma helin lacag balse waxa la siistay dhiig badan oo
loo daadiyay, halgan naf iyo maalba qaatay iiyo tacab shacabka
Somaliland wada geliyeen. Maantana waa shacabka Somaliland kuwa
ilaashanaya qaranimadooda ee lacag meel laga soo qaatay iyo mashruuc
lagu soo qaato waxyeelladooda aan waxba lagaga qaadi karayn.
Cabdiraxmaan Moosko waxan leeyahay saaxiib adigoo aan halgankii dalkan
ee kala dambeeyay meella aan taariikh kaga lahayn oo hadana ilaahay
nasiib kuu siiyay inaad ku fadhiisato mid ka mid ah kuraasta dalka ugu
sarreeya, waliba ka shaqaysato dadka iyo dalka Somaliland oo adduun
iyo hant ka samaysato, adigoo Guddoomiyihii Baarlamaanka ah hadana
Xisbi Siyaasadeed furato, saaxiib uguma bedeli kartid dadkan inaad
hadimo ka taliso.
Allaa Mahad Leh
Yuusuf Maxamed Ismaaciil
Hargeisa