Marwada Ma Farageliso Wasaaradaha Waxaan Xaal Ka Siinayaa Hadalkii C/laahi Caarshee ahaa In Marwadu Amar Ku Bixisay In Lagu Celiyo Shaqadii | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marwada Ma Farageliso Wasaaradaha Waxaan Xaal Ka Siinayaa Hadalkii C/laahi Caarshee ahaa In Marwadu Amar Ku Bixisay In Lagu Celiyo Shaqadii
February 24, 2014 - Written by Editor:

Wasiirka Duulistu Ka Joojiyey Markii U Bixiyey Sirtii Madaarka Hargaysa… Qalinkii: Muna Jaamac Yuusuf

Todobaadkii hore ayay ahayd markii wasiirka duulista somaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi uu shaqadii madaarka Hargaysa ka joojiyey C/laahi Axmed Caarshe oo ka mid ahaa shaqaalaha ka hawlgala madaarka Hargaysa ka dib markii uu bixiyey sirtii madaarka Hargaysa oo uu siiyey warbaahinta,ayuu wasiirka duulistuna ninkan shaqada ka joojiyey, kadibna wuxuu warbaahinta u sheegay in marwada kowaad ee dalka marwo AAMINA WERIS SHEEKH MAXAMED JIRDE ay amar ku siisay wasiirka duulista in uu shaqada ku soo celiyo.

ka dib markii uu shaqada ku soo noqdayna wuxuu shaqaalaha madaarka ugu hanjabay in wasaaradda wakiil uga yahay marwada dalka marwo Aamina Weris oo uu sheegay in uu had iyo jeer la hadlo marwada,kalsoonida ay wasiirka ku qabtaana uu yar yahay madaama uu wasiirku wasaarada war qurux badan uun ka sheegayo si aan xilka looga qaadin had iyo goorna xilka qaadista ka soo baxda madaxtooyada waxay ku saleysan tahay wararka kalsoonida badan lagu qabo sida kayga oo kale.

C/laahi Caarshe oo maalin dhaweyd suxufiyiin badan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka isagoo jooga Hotel Imperial ee magaalada Hargaysa ugu sheegay in marwada kowaad Marwo Aamina Weris isaga wax badan ka maqasho oo uu had iyo goor la hadlo shaqadiina si deg deg ah loogu celinayo wasiirkuna uuna awood u lahayn mar danbe in uu ka joojiyo shaqada,waxa kale oo uu suxufiyiinta uu u sheegay in uu xog badan ka hayo isku shaandheyn balaadhan oo soo socota,oo ay marwadu u sheegtay.

si kastaba ha ahaatee waxaan la yaabay sida fudud ee C/laahi Caarshe sirta iyo arimaha marwada meel kasta uga sheegayo taasina waa tan maanta igu kaliftay in aan qoro maqaalkan oo aan xaal ka bixiyo warkaasi raqiiska ah ee uu meel kasta la wareegayo C/laahi Caarshe waxaanan leeyahay marwo arintaasi xaal ayaan ka bixinayaa ee ka raali ahaw,waayo waxyaabo badan oo aanan halkan ka sheegi kari ayaan laga sheegay C/laahi Caarshe taasi oo dhaawac ku ah karamada iyo sharafta ay marwadu ku dhex leedahay bulshada dhexdeeda.

By:Muna Jaamac Yuusuf

email:munaladan1@gmail.com

Hargaysa Somaliland

 

COMMENTS
LINKS