Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtey kana hadlay arimo dhawr ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtey kana hadlay arimo dhawr ah
February 8, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA WAJAALENEWS ;Waxa maanta Dalka ku soo guryo noqday Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay Wehelinayso Marwada koowaad ee Madaxweynaha JSL. Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde.

Madaxweynaha waxa gegida Diyaaradaha ee Egal International Airport ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland oo horkacaayey Golaha wasiirada iyo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, sidoo kale waxa maanta soo dhawaynta ka qayb qaatay oo isu soo bax balaadhan ka sameeyey Airportka Sulaadiinta Somaliland Boqorada, Caaqilada, Xildhibaanada Golayaasha qaranka Somaliland iyo Shacbiga qaybihiisa kala duwan oo iyagu ahaa kuwo isku xidhaan Airport ilaamaa Madaxtooyada JSL, bulshadan oo ahayd mid iskeed isu abaabushay.

Madaxweynaha oo bulshada uga mahadnaqaaya sida qiimaha leh ee ay isugu soo baxen ayaan qadar saacado ah dhex lugaynaayey Laamiyada Caasimada isaga oo salaam sharaf ugu tegay qaar ka mid ah Naafada Somaliland oo ka qaybgalay iyana maanta soo dhawaynta madaxweynaha oo tubnaa hareeraha wadada.

Ugu danbayn tiina waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay qasriga madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland oo ay ku sii sugayeen Madaxweyne ku xigeenka iyo Madaxda Sarsare ee Xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiin badan oo ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo madaxdhaqameedyo

WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL.wajalenews@gmail.com
COMMENTS
LINKS