Madaxweyne Siilaanyo mee ? WQ Sayid-Maxamed Cabdillaahi Xasan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo mee ? WQ Sayid-Maxamed Cabdillaahi Xasan.
February 16, 2014 - Written by Wariye:

Burco-27 January  ilaa maanta waxaa golaha wakiilada ka aloosnaa khilaaf iyo muran siyaasadeed oo mararka qaar  halis galiyay jiritaanka golaha iyo weliba xasiloonidii dalka. Sida la ogyahayna khilaaf kaasi waxa uu salka ku hayaa xeer hoosaadka golaha oo uu wax kabadalkiisa iyo curintiisii hore ay ahayd awoodaha ugaarka xildhibaanada balse manta ay talo iyo arin ku leeyihiin golaha wasiiradu.

meeeee

Kalfadhigii 23aad fadhigii 19aad ee wax kabadalka iyo kaabista ay ku sameeyeen xildhibaanadu  xeer hoosaadka  wuxuu ahaa mid ay raali kawada ahaayeen  dhamaantood waxaanay xaqiijiyeen  27/01/14 markay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 42 mudane halka ay ka diideen oo kaliya 4 mudane 8 ay ka aamuseen.

565035_3374138292256_1718303785_n

Codaynta maalintaasi waxay xalaalaysay sharcina ka dhigtay xeerkii goluhu ku dhaqmi lahaa,laguna hagi lahaa ,taa kasoo horjeedkeeduna waxay ka cadhaysiisay labadii gudoomiye ku xigeen iyo xukuumada oo la dudday maadaama ay kasoo jeedaan xisbiga talada haya isla markaana marmarsiyo u heshay C/raxman ciro oo mudooyinkii danbe aanay la jeclayn guddoonka barlaamanka, una arkasay laf dhuun u gashay.

laga bilaabo maalintaas waxay  u adeegsadeen xildhibaano tiro yar oo  la fikir ahaa mishiinkii ay ku burburin lahaayeen midnimada golaha.

Akhriste Bal is weydii   27 January ayay xildhibaanadu ku ansixiyeen rabitaankooda xeer hoosaadkii  golaha ,maxaa isbadalay 10dharaarood kadib ee gulufkan soo kiciyay?

Jawaabtu waxay tahay in mudanayaal badani duulaankii xukuumada ay dhinac ka raaceen ayagoo go’aankoodii hore ku badalanaya balan qaadyo iyo shilimo aan tiro badnayn marka la barbar dhigo karaamadii iyo xasaanadii uu huwanaa mudanuhu.

Ujeedooyinka xubnaha xukuumadu ka leeyihiin Gulufkan.

Way caddahay in xubnaha xukuumadu dabada iyo hortaba ka riixayaan waayo 7 xubnood ee garabkii la duuc-duucayay way ku guul daraysteen inay ka go’aan gaadhaan dhexdhexaadintii ay  ka galeen soojeedinta (motion) lacagta badan ku kacay,waana la sii arkayay inaanay wax la taaban karo horkeeni doonin golaha. Waana kuwan ujeedooyinka qaarkood:

1.      In C/raxmaan cirro laga qaado xilka gudoomiyanimo ee golaha maadaamuu mucaarad rasmiya kunoqday, waana sababta ay ugu adkaysanayaan in qodabka tilmaamaya xilka qaadista gudoomiyaha  laga dhigo 42 mudane , si ay uga qaadaan ama u ruxruxaan gudoomiya kasta haddii danahooda ay ka dhex arki waayaan.

2.      In Baashe ama xubin kale oo taageerayaasha kulmiye ah kana soo jeeda gobalka sool loo dhiibo, maadaama  gobalku ku dulmanyahay, saami u qalmana aanu ku lahayn xukuumada siilaanyo.  Waa dhab in beelaha sool iyo buuhoodle aanay saamigoodii ka haysan dawlada xaqna ay u leeyihiin inay helaan, laakiin haddii xukuumadu xal u doonayso

Maxay u la raadin weyday ama ugu hibayn wayday kursiga guddoonka guurtida ee aan doorashada ku imaan, lana ogyahay in markasta gudoomiyuhu debeda u jiro xaalad caafimaad?

Haddii aan u soo noqdo dulucda maqaalkaygan  ciwaankiisu ahaa madaxweyne siilaanyo mee?

Inkasta oo isugu( madaxweynuhu)  iska fogeeyay faragalinta G/wakiilada 08 February markuu dalka ku soo guryo noqday tilmaamayna in goluhu shaqadiisa u madaxbanaan yahay  hadana isagoo og in hantidii umada, lacagtii caruurta dugsiyada laga qaaday ee loogu talagalay wadooyinka,loo  qaybinaayo mudanayaashii aqalka shacabka si ay u fuliyaan u jeedooyinka raqiiska ah ee xukuumada.

Maadaama isagoo og in golihiisii wasiiradu hadh iyo habeenba ku shirqoolayaa madaxbanaanida G/wakiilada guriga M/kuxigeenka ,kuna dayaceen shaqadii ay u hayeen dadwaynaha, iyo weliba inay dadka qaarkood soo ururiyaan si ay u aflagaadeeyaan ciro sida dhacdadii manta ee gabilay iyo tii berbera lacagna ku bixiyaan.

Ayadoo xiisadi ay ka taagantahay gobalada bari iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan maamulka puntland.jiritaanka inaas oo dhan iyo ka hadal la’aanta madaxweyne siilaanyo waxay muujinaysaa awoodii iyo kartidii inay tahay mid hawl gab ah oo ay adeegsanayaan dhalinyaro caadifadaysan oo masiirkii umada khal-khal iyo burbur ku wada.

Sayid-Maxamed Cabdillaahi Xasan

Burco,Somaliland.

Sayidmaxamed22@hotmail.com

COMMENTS
LINKS