|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne-Ku-Xigeenka-Somaliland-Oo-Ka-Qaybgalay-Munaasibad-Lagu-Soo-Af-Jaraayey-Khilaafkii-Xisbiga-Kulmiye.
February 24, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews) Munaasibad balaadhan oo lagu soo afjaraayey khilaafkii Xisbiga Muxaafabadka ah ee Kulmiye ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Xisbigaasi ee Magaalada Hargaysa. Waxaana kasoo qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylaci ,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md:Muuse Biixi Cabdi ,Hogaanka Sarsare wasiiro,,Xildhibaano , iyo Marti Sharaf kale .waxaana munaasibadan ay ahayd mid daaha looga faydaayo in ay madaxda Xisbiga Kulmiye ay muujiyaan in uu Khilaafkii Xisbigaasi soo afmeermay. Gudoomiyihii Gudida Turxaan Bixinta Khilaafkii Xisbiga Kulmiye sida oo kalena ah Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md: Maxamed Biixi Yoonis oo munaasibadaasi ugu horayn ka hadlay ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsanyihiin ka Gudi ahaan soo afjarida khilaafkii xisbiga kulmiye , waxaana uu sheegay in ay daminta khilaafkaasi ay Duco iyo Quraanba kala daaleen dhinacyadii ishayey si ay u muujiyaan isu soo dhawaaanshiyo. Waxaa isaguna sida oo kale halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaana uu isna halkaasi kaga dhawaaqay in ay ku qanceen go’aamadii gudidaasi ay soo Jeedisay , Dushana u xambaaran doonaan Masuuliyada Culus ee lasaaray, waxaana uu sida oo kale uu muuse biixi ku tiraabay in uu aad ugu faraxsanyahay maadaama dhinacyadii kale ee ay is hayeen , ay si mugleh u fahmeen ujeedadiisa xagiisana ay soo raaceen. Gabo-Gabadii waxa uu munaasibada la isku soo hor fadhiisiyey labadii garab ee isku hayey xisbiga kulmiye soo gunaanada Madaxwayne ku xigeenka somaliland Kaas oo madasha ka jeediyey hadal duurxul ah oo ku masaalay khilaafkii xisbiga kulmiye. “waxa maanta inoo farxad ah in aynu taladii dalka hayno oo aynu soo gunaa-nadnay khilaafkii soo kala dhexe galay xisbiga waxa ina looga baahan yahay in aynu dadka u noqon hogaan lagu daydo laguna xasuusto tariikhda somaliland,waxaanu shacabka reer somaliland gaaro ahaan tageerayaasha xisbigii kulmiye soo saaray usoo jeedinaynaa inaanu jirin wax nacaybsho ah oo aanu idinka tirsanaynaa ee waxaanu idin kaga mash quulay danta guud ee qaranka. “Waxaanu Shacaboo idinka rabnaa sidii aad noogu soo saree tii Madaxtinimada ee aanu u helnay boqolkiiba Boqol ayaanu maantana idiinka baahanay waxaana idiin rajaynayaa guul inaad ku waartaan.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|