|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Axmed (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Dhammaan reer Cabdiqaadir Faarax, Qoyskii, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Cali Cabdiqaadir Faarax oo ku geeriyooday wadanka Ingiriiska
February 14, 2014 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Dhammaan reer Cabdiqaadir Faarax, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Cali Cabdiqaadir Faarax oo ku geeriyooday 14/02.2014, wadanka Ingiriiska. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan reer Cabdiqaadir Faarax, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|