Madaxa ciidammada ee waddanka Masar, Abdel Fattah oo Buuqasho ku jooga Ruushka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxa ciidammada ee waddanka Masar, Abdel Fattah oo Buuqasho ku jooga Ruushka
February 13, 2014 - Written by Editor:

MOSCO WAJAALENEWS Madaxa ciidammada ee waddanka Masar, Abdel Fattah el-Sissi, ayaa sida muuqata taageero buuxda ka haysta Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Abdel Fattah el-Sissi ayaa booqasho ku jooga waddanka Ruushka, waxaana uu Madaxweyne Putin u rajeeyay nasiib wanaagsan, waa haddii uu el-Sissi rabo in uu u tartamo madaxtinnimada Masar.

Ruushka iyo Masar ayaa ka hadlaya sidii ay u xoojin lahaayeen iskaashigooda dhanka difaaca ah, waxaana dhici karta in Ruushka uu hub ka iibiyo Masar. Warbiihinta Ruushka ayaa sheegaysa in labada dal ay kala saxiisan karaan heshiis kala iibsi hub oo ku kacaya lacag dhan laba bilyan oo dollar.

Agabka ciidan ayaa isugu jira diyaaradaha casriga ee dagaalka, kuwa qumaatiga u kaca iyo gantaallada dhulka laga rido.

Inta badan lacagta ku baxaysa hubkaasi ayaa la filayaa in ay bixiyaan waddamada Sacuudi Carabiya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta, oo ah saaxiibada ay hadda Masar ku leedahay gobolka Khaliijka.

Masar ayaa hadda u muuqata in ay dib u soo celinayso xiriirkii xoogganaa ee ay 25 sano ka hor la wadaagi jirtay Ruushka, oo xilligaasi ahaa Midowgii Soviet.

Waxaa sidoo kale muuqata in Masar ay ka weecatay Maraykanka, oo tan iyo sanadkii 1987-dii siinayay ciidammada Masar dhaqaale dhan 1.3 bilyan oo dollar sanad waliba.

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS