M.weyne ku xigeenka oo ka qayb galay Xaflad 700 Qoysas la dejiyey Xaafada Xaaji Cumar Digaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
M.weyne ku xigeenka oo ka qayb galay Xaflad 700 Qoysas la dejiyey Xaafada Xaaji Cumar Digaale
February 23, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS) Madaxwayne ku xigeen ka Jamuuriyada Somaliland mudane cabdiraxmaan c/laahi Ismaaciil, (Saylici). waxaa madaxwayne ku- xigeenka ku wahelinayay  wasiirka dib u  dejinta, Maayarka caasimada hargaysa ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23-02-2014,  ka qayb galay xaflad loo qabtay  furitaanka magaalo cusub ee la dejiyay dadkii Baraka-cayaasha ah ayaa waxay ku talaa duleedka koonfurta xaafada Maxamed Mooge magaaladaas oo loogu magac daray  Xaaji Cumar  Digaale.

Baraka-cayaashan oo ay tiradoodu  dhan tahay 829 qoys  ayaa haatan  700 ka mid ah qoysaska halkaa  degay  ayaa waxay u dhiseen dhismayaal ay kaga hoydaan dabaysha iyo cadceeda inta kalena ay 6-da bilood ee soo socda ay u samayn doonaan dhismayaal  dhismayaashan oo ay iska kaashadeen  dowlada hoose hay’adaha  UN-ta ,Wasaarada  dib u dejinta  iyo local NGO’s

Waxaana ugu horay kahadlay wasiirka dib udajinta somaliland Axmed cabdi kaahin isagoo kawaramay marxaladihii loo soomaray in dadkan dan yarta ah loo dhiso hoy,

COMMENTS
LINKS