|
|||||
WAJAALE NEWS
Labada Xusbi Mucaarid Iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada Tashiga oo Xalay Shir Ku yeeshay Magaalada Hargeisa iyo Qodobada Lagu soo Qaaday
February 28, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(WAJAALENEWS);Hogaamiya-yaasha labadda xisbi mucaarid ee UCID, Waddani iyo siyaasiyiintii madasha wada-tashiga ayaa xalay shir gaar ah ku yeeshay magaaladda Hargeysa, kuwasa oo kulankoodaasi kaga arinsanayey xaaladaha taagan iyo doorashooyinka soo socda ee la filayo inay wadanka ka qabsoomaan.
Sida ay Haatuf u sheegeen ilo-wareedo xogogaal ahi axsaabta mucaaridka iyo madasha wada-tashiga ayaa kulankoodaasi xalay oo ka qabsoomay guriga guddoomiye ku xigeenkii 2-aad ee hore ee xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir Faarax, ayaa waxay si wayn ugu falanqeeyeen waxa uga meel-yaala iyo go’aanka ay ka qaadan doonaan hadii madaxwayne Siilaanyo mudo xileedkiisa oo sanad iyo dhawr bilood ka hadhsan yihiin marka uu dhamaysto uu mudo kordhin isku dayo. Xubnaha shirkan kaga qaybgalay guriga gaarka ah ee uu ka degan yahay C/raxmaan C/qaadir Hargeysa ayaa waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha golaha Wakiilada isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), xubno xisbigiisa ka tirsan, Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Musharaxa madaxwayne-nimo ee xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen, halka siyaasiyiinta madasha wada-tashiga ay uga qaybgaleen guddoomiyahooda Xasan Guure, Maxamed Xaashi Cilmi iyo masuulka martida loo yahay ee C/raxmaan C/qaadir. Ilo-wareedadaas ayaa waxay intaas ku dareen in madasha shirkaasi ka dhacay lagu soo qaaday arrimo door ah oo ay ka mid tahay dhexdhexaadnimada guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo xubno mucaaridka ka mid ahi ay dareeno badan ka qabaan isla markaana ay cadeeyeen kalsoonida ay ku qabaan inay yartahay, kuwaas oo ku andacoonayey inuu guddoomiye Saleebaan u fududanayo xukuumadda Kulmiye hadii ay mudo kordhin miiska keento. Dhinaca kale hogaamiyayaasha axsaabta mucaaridka iyo siyaasiyiinta kale ee shirkaas ka qaybgashay ayaa waxay ka arinsadeen qaabka ay uga hortagayaan hadii ay xukuumadda talada haysa iyo xisbigeedii oo imika khilaafkii dhexdooda xaliyey ay isku dayaan inay mucaaridka furfuraan si ay awoodoodu u diciifiyaan, isla markaana masuuliyiinta kulankaasi goobjooga ka ahayd ayaa carabka ku adkeeyey inay lagama maarmaan u tahay inay mucaaridad adag si wada jir ah ugaga hortagaan xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo oo ay saluugsan yihiin. Ugu danbayn masuuliyiinta shir-doceedkaasi iskugu timid ayaa u balamay kulamo danbe oo ay kaga arrinsanayaan waxa uga meel-yaala arrimaha caqabada ku ah qabsoomida doorashooyinka, kuwaas oo isku waafaqay inay daneeyeyaasha doorashooyinka Somaliland inay kala hadlaan sidii xukuumadda madaxwayne Siilaanyo culays loogu saari lahaa in doorashadu wakhtigeeda aanay dhaafin
xigasho haatuf Related posts:“Bal 12cisho Kadib Muuse Biixi Halka Uu Xukumo Hasoo Sheego Iyo Xuduudaheega”Gudoomiye Faysal Cali W... Wasiirkii Hore Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Oo ka Hadlay Sobobta Looga Reebay Xubnaha Golaha Dhex... “Magaalada Tog Wajaale Nina Nin Kama Gacan Wayna, Mar Hadii Sharciga Ninwalba Gacantiisa Ku Fushanay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|