Laba-Xildhibaan-Oo-Ka-Mid-Ah-Golaha-Deeganka-Laascanood-Oo-Garowe-U-Goostay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba-Xildhibaan-Oo-Ka-Mid-Ah-Golaha-Deeganka-Laascanood-Oo-Garowe-U-Goostay.
February 3, 2014 - Written by Editor:
Garoowe Wajaalenews-Laba xildhibaan oo ka mid ahaa Golaha deegaanka Magaalada Laascaanood ee Somaliland, ayaa u goostay dhanka Maamul Gobolleedka Puntland, waxaana lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe.
Labada xildhibaan  ka soo goostay golaha deegaanka Laascaanood ee Somaliland, oo kala ahaa Mukhtaar Mahad Cawad iyo Cabdalle Digaale Cali, waxayna saxaafadda kula hadleen Magaalada Garoowe, waxayna ku dhawaaqeen inay ka soo goosteen Somaliland, isla-markaana la shaqeynayaan Maamul gobolleedka Puntland,waxaana soo dhaweeyay  labadan xildhibaan ee kursigoodii uga cararay in ay helaan mansab ka sareeeya,wasiirka ganacsiga Maxamed Xasan (Soo-cadde) iyo wasiirka kalluumaysiga Cabdinuur Cilmi Maxamuud (Biindhe).
Labadan xildhibaan ee ka mid ahaa xildhibaanada Golaha deegaanka ee laascanood ayaa noqonaya xildhibaanadii ugu horeeyay ee ka goosta Gobolka sool,waxaana ay wararku sheegayaan in ay jirtay xildhiidh dhexmaray maamulka Garowe iyo ragan ka hor inta anay goosan,isla markaana ay tamaninayaan in ay xil ka  helaan xukuumadda cusub ee Garowe,balse xil kasta oo laga siiyo maamulkaasi maaha mid u dhigma mansabkiidii xildhibaanimo,madama ay kuraasta ay ka yaaceen ay ku yimaadeen codka shacabka ay hada ka saariyeen,halkaana hadiiba xil laga siiyo marka la soono si dhib yar loo eryi karo ama loo bedeli karo. –
WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS