Kii Dhuumanaayee Dhabarku Muuqdaw Waa Dharaar Lagu Dhowrayaaye S/Land Duminta Ka Daa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kii Dhuumanaayee Dhabarku Muuqdaw Waa Dharaar Lagu Dhowrayaaye S/Land Duminta Ka Daa.
February 18, 2014 - Written by Wariye:

Dawlada miciinka baday kala faquuqa, qabiilaysiga, cimiri dhererna ku doonaysa in habkii beelaha ay dalka dib uGu soo celiso nin aad moodo in aanu dalka dan ka lahayn dano gaara fushanayaana uu qori dable kula dhex jiro oo ah madaxweyne ku xigeenka s/land Saylici oo ah halka hada “Wakiilada laaluush qaatayaasha ahi ka soo shidaal qaataan hees baa ahayd “Ha is odhanin cidi kuma arkaysee afka buuxso, Ha is odhanin cidi kuma arkaysee daaro jeexo. Waxaan u sheegayaa laaluush Illaahay (sw) ayaa ka hadlay qofka qaataa meeqaamka uu ku leeyahay daarta akhiro ifkana meel aad ku cuntaanba way yaraanaysaa daar laga dhistayna wallee waydaan ku ledin.

Hadaba wadanka yar ee curdinka ee soo koraya waxaa uu soo maray maraaxil

farabadan oo hab dimoqraadiyada ku dheehantahay oo soo jiitay caalamka indhihiisa iyo guud ahaan inta samaha jecelba dadkuna gudo iyo debedba ku naaloonayeen nabad gelyo iyo is ixtiraam beelaha dhexdooda ah tii ayaana hada indhaha laga tuurayaa oo god madow loo sii jiidayaa hadaan bulshada reer s/land hada iska qaban oo aan la odhan :Waa kan duqii soo durduriyee weli Dooh malagu yidhi.

Xiligaa ay hana qaaday dimoqraadiyadu waxay ahayd markii codka tartanka aha ee loo Vote gareeyey madaxweynihii hore Daahir riyaale kaahin iyo madaxweynaha hada talada haya Axmed maxamud siilaanyo Aril12, 2003 oo guushu ku raacday Riyaale 80 codna uu ku guulaystay waxaa markaa golaha wakiilada haystay AHN axamed maxamed adan qaybe. Cid markaa ka hadashay oo hab qabiilaysan uGu mucaaridayna may jirin labada kursi ee uGu sareeyey s/land waa arrin ah in dadku xoriyada dhadhamiyaan dareemaana iyadoon cid iyo qabiil midna loo eegin doorashadaa xalaasha ah ay ku soo baxeen ku dhamaystaan xilkooda.

Hada hadii Gudoomiyaha  Golaha Wakiilada C/raxmaan Ciro kuma fadhiyo hab beeleed saami loo siiyey  inta la shiray ama geed hoostii la tegay,waa natiijadii ka dhalatay doorashadii 2005tii ee labadii xisbi mucaarad oo is kaashaday ku qaateen hogaanka golaha wakiiladd iyagoo leh aqlabiyadii mudanayaasha,weliba xukumadii xiligaas ee UDUB way ka dagaalantay arinkaa teelana umay dhigan,waxana lagu soo af jaray dedaal guurtidu ka gashay laguna qanciyey madaxweyne Rayaale in halkaas waxba uga furayn,doorashadaasina sidaa ku hir gasho,isaguna wuu aqbalay waayo wuxuu fahmi karayay dhibaatada arinkaas ka iman karaysa,waxana rajeynayaa in dhex-dhaaxdinta guurtidu hadda wadaa jidkaa hore raaci doonto,kuna wacdiyi doonaan cida xukuumadda ee arimahan hurinaysa inay iska daayaan Dalkana dhibaato gelin.

Tan iyo maanta Golayaasha Somaliland ee Doorashada ku yimi waa meesha qudha ee aan hab beeleed lagu soo buuxin xubnaha ka banaanada ee lagu soo xulo cida xaga tirada codadka ku soo xigta,meesha qudha ee hab beeleed ama saami qaybsigii shirkii Boorame 2003 lagu fadhiyaa waa Golaha Guurtida. ,Gudoomiye C/raxmaan Ciro waa mudane ku fadhiya codka shacabkii soo doortay gudoonkana ku helay kalsoonida mudanayaasha golaha ku jira,markaa ma muuqato meel laga dar-daar weriyo oo la yidhaahdo hays casilo.Hadiiba ay dhacdo inuu isagu sidaa go’aansado booskiisu maaha mid beeli leedahay ee waxa soo buuxinaya cidii ku xigtey xagga codka,qofkaasina wuxuu noqon karaa beelaha saaxil dega ,waayo hada ma hayo liiskii Gobolka Saaxil qofkii ku xigay ayuunbaana fadhiisan doona.

Diinteenu waxay ina faraysaa inaad walaalkaa xaalada la dulmayo iyo ta uu wax dulmiyayoba u hiilisid,garanay hadii uu wax dulamayo Ciro waxaynu leenahay walaal arinkaa jooji oo gacmaha ayaynu ka qabanaynaa in lagu raacana ma haboona,hadiise ay tahay in la gardaraysanyo waa waajib in somaliland oo dhami is garab taagto ,waxa muuqata oo cid waliba arkaysaa sida qaawan ee golihii fulinta xubno ka mida (xukuumaddu) arinta golaha faraha ugula jiraan,waxana arintaa ka marag kacay Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici oo si badheedha oo shaqsi ah u weeraray Gudoomiye Ciro.

Hadalkaa Seylici wuxuu dad badan oo aan ku jiro  u iftiimiyey in cida arinkan shidaysaa isaga yahay,ujeedo kalena ka leeyahay,waa in la xukumaa waxa muuqda ee qofka ka soo baxa afkiisa,ta qarsoona ilaahay loo daayaa,ilaa hada maynu maqal meel madaxweyne Axmed Siilaanyo kaga hadlay arinka golaha wakiilada iyo gudoomiye Ciro isla markaana ku iclaamiyey dagaal ka dhan ah,keliya waxaynu maqalay Xirsi oo hadalo ka yidhi Liverpool,Xirsi sida aynu ka war hayno waa nin da’a yar bisayl siyaasi ah oo badan lahayn waa laga filayaa daalaa dhac,laakiin arinka Seylici waa mid salka ku haya ajendayaal kale oo qarsoon dhowaana somaliland ka soo shaac bixi doona,waxan sidan u leeyahay had iyo jeer sunaha madaxweyne xigeenadii soo maray somaliland laguma arag rag fitnada sii huriya ee waxay ahaayeen kuwo iyagu bakhtiiya dhibta kolba markaa jirta,laakiin oday seylici meel kale ayuu dhaanka u wadaa aragtidayda.

Waxaan ku soo gunaanadayaa Madaxweyne adigaa manta taladu kaa go’daa yaanay kaa hoos bixin ragga ku agjoogaanaa mid meel kale u socda iyo mid aanay maskaxdiisu ku filaynba waa leeyihiin markaa ayaan lagaa hoos saarin waxaadna ogaataa manta hadii ummadii xilka kuu dhiibatay ku tidhaa xilkaagu sidiisii umaad gudane ka deg kursiga dhibkay leedahay hadaba taalo ku dar kursiga ha maacsane.

ENG Abdirazak Yassin Maxamed

COMMENTS
LINKS