Khubarada Baadhaysa Xasuuqii Hargeysa Ka Dhacay Sideetamaadkii Oo Xabaashii Saddexaad Lix Qof Kasoo Saaray Iyo Madaxa Kooxda Oo Ka Warbixiyey
February 22, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA (WAJAALENEWS) ;Khubarada Baadhaysa Xabaalaha Xasuuqa Badhka oo ay ku aasan yihiin dadkii lagu xasuuqay Hargeysa sideetamaadkii ayaa shalay soo gabagabeeyey xabaashii saddexaad ee ay Somaliland ka qodaan tan iyo intii ay hawshaasi bilaabeen, kuwaas oo ka soo saaray lafaha lix qof oo ka mid ah dadkii dawladii Maxamed Siyaad Bare ku xasuuqday Xabaalaha Badhka.
Dr Franco Moro oo ah khabiir ku takhasusay lafaha dadka la xasuuqo ayaa sheegay in cadaymaha ay xabaashan ka heleen ee muuqda ay tahay Ilkihii Cagaftii godka u qoday dadkan la laayey ee aastay oo muuqda, waxaanu intaasi ku daray in lixdan qof ee la laayey loo dhigay saf loona jeediyey wajigooda jihada waqooyiga.
Lafaha lixdan qof ee dawladii Siyaad Bare xasuuqday ayaa dhamaantood xidhnaa Macawiso, kuwaas oo loo malaynayo inay ahaayeen dad reer Miyi ah oo laga soo ururiyey hareeraha magaalada Hargeysa.
Khabiirka Kooxdan hogaaminayey Mr Franco Moro ayuu Wargeyska Haatuf waydiiyey ugu horayn inuu faahfaahin ka siiyo xabaashan hadda gabagabada ah ee ay hawsha ka hayeen maalmihii la soo dhaafay ayaa waxa uu yidhi “Tani waa xabaashii saddexaad ee aanu goobtan Badhka ka baadhno, xabaashani waxay ahayd xasuuqii 1984-kii, xabaashan waxa aanu ka helnay lix qof, dhamaan lixdan qof ee xabaashan lagu aasay waxay la mid ahaayeen kuwii hore ee aanu sanadkii hore soo saarnay, lixdan qofi waxa ay xabaashan u wada yaaleen oo ay u jeedeen jihada waqooyiga, wajigooguna waxa uu xigay dhinaca midigta, xubnahooduna way kala baxsanaayeen, dharkoodiina way xidhnaayeen.
Xabaashan shaqadii aanu ka haynay waanu dhamaynay, xabaashan waxa ka muuqday oo cadayn ah calaamadaha cagaftii qoday godkan oo ku yaala dhinaca galbeed ee xabaasha.
Macluumaadka aanu halkan ka helay waxay caawin karaan guddida xasuuqa si ay ugu soo bandhigto una tusto qof kasta wixii halkan ka dhacay, xasuuqani waa mid eray bixintiisu ay sharci tahay hadba cidii kiis ama talaabo laga qaadayo, waxaana wax la isticmaali karo.
Mudada aanu halkan joogno waxa aanu qaban doonaa in aanu xabaalo kale oo noocan ah aanu faqno, marka aanu helno macluumaadka dadkii goobjooga ahaa markii xabaalahan dadka la laayey lagu aasayey.
Xabaashi ugu horaysay ee aanu halkan ka baadhnay waxa aanu ka helnay hadhaaga rasaastii loo adeegsaday dilkii, dhamaantoodna waxa lagu laayey oo ay u dhinteen rasaas lagu furay dhaawacyadii ka soo gaadhay”.
Dhinaca kale khubaradan ayaa isticmaalayey Burushyo iyo qalab yaryar oo kale iyaga oo si taxader leh u qodayey Xabaasha, isla markaana ciida ay ka soo saaraan Xabaasha Shaandhaynayey si aanay u raaxin lafaha yaryar ee bani’aadamka iyo waxyaabo kale oo cadaymo noqn kara.
Khubaradan ayaa dabayaaqadii sanadkii hore waxa ay laba Xabaal Wadareed oo ay baadheen ku ogaadeen in 39 qof oo la laayeey 1984-kii iyo 1988-kii ay ku jireen.
Waxaanay Somaliland dedaal badan ugu jirtaa sidii ay beesha caalamka u tusi lahayd talaabooyinkii ka dhanka ahaa bani’aadanimada ee dawladii Maxamed Siyaad Bare ay u gaysatay shacabka Somaliland.