ISKU SHAANDHAYN BALAADHAN OO LAFILAYO IN MADAXWAYNE SIILANYO KU SAMEEYO XUKUUMADIISA WASIIRADA SEEFTU LATAGAYSO IYO TALIYAYAASHA CIIDAMADA; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ISKU SHAANDHAYN BALAADHAN OO LAFILAYO IN MADAXWAYNE SIILANYO KU SAMEEYO XUKUUMADIISA WASIIRADA SEEFTU LATAGAYSO IYO TALIYAYAASHA CIIDAMADA;
February 25, 2014 - Written by Editor:

ISKU BADALKAN BALAADHAN AYAA LAFILAYAA INAY DAWO U NOQOTO ISQABQABSIGA WASIIRADA IYO AGAASIMAYAASHA, TALIYAYAASHA CIIDAMADA IYO ABAAN DUULAYAASHODA OO CIRYAAMISAY SHAQADII QARANKA,

wasiirada laysku badalyo

HARGEISA(WAJAALENEWS) ;Sida aanu ka helay ilo xogogaala oo madaxtooyada ku dhowdhow ayaa sheegaya inMalmahan  laga dareemayaa qasriga madaxtooyada somliland olole adag oo ku salaysan wasiiro ku dadaalaya sidii ay xilka u sii fadhiyi lahaayeen iyo xubno cusub oo doonaya inay soo galaan golaha wasiirada arintan ayaa caawa aad looga dareemayaa magaalada hargeisa ee caasimada Somaliland

Waxaa lafilayaa isku shaandhaytii ugu balaadhnay abid amaba mudadii xukuumada siilanyo xilka haysay uu madaxwaynuhu ku talaabsado isku shaandhaytan oo taabanaysa wasiiro,hogaanka ciidamada.  Agaasimayaal iyo xubna kaleba

Hadaba shabakada wararka ee wajaalenews oo isku dayday inay wax ka ogaato isku badalkan amaba samayso saadaalin aad ugu dhow xogaha isasoo tarayaa ayaa waxay u dhignaayeen sidan;;;

1;Wasiirada waxbarashada marwo samsam cabdi aadan ayaa lafilayaan in loo badalo haayada maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuq maasuqa.

2;Wasiirka wasaarada cadaalada xuseen axmed caydiid, waxaa lafilayaa in lagu badalo Cabdiqaadir iimaan, o kamid ahaa masuuliyiintii Xaqsoor ee kulmiye dhawaan ku biiray

3;Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha,DR,cabdi awdaahir. Waxaa lafilayaa in lagu badalo ,Siciid sulub oo hore u ahaa xiligii daahir riyaale wasiirka hawlaha guud iyo guryanta

4;Wasiirka wasaarada maaliyada Cabdicasiis maxamed samaale,waxa lafilayaa in loo badalo wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland

5;Wasiirka wasaarada qorshaynta Dr, sacad cali shire,waxaa lafilayaan in loo badalo wasaarada maaliyada

6;Wasiirka wasaarada shaqada Garaad Waxaa lafilayaa in loo badalo   wasarada beeraha Somaliland

7;Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha waxaa lafilyaa in loo magacaabo axmed cilmi yare agaasimihii hore ee wasarada dib u dajinta

8;Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guryanta Cabdirasaaq khaliifwaxaa lafilayaa in lagu badalo , cali baashe oo ahaa xildhibaan kayimid somaliya isla markaana ka qaybqaatay damintii shaqaaqadii ceerigaabo

9;wasiirka wasaarada warfaafinta Cabdilaahi dahir (cukuse)waxaa lafilyaa in lagu badalo Cabdiraxmaan cismaan caalin oo ka tirsan golaha wakiilada

10;Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Maxamuud xaashi. Waxaa lafilyaa in lagu badalo Xasan gaafadhi oo ahaa gudoomiyhii urur siyasadeedka RAYS

11;Wasiirka wasaarada gaashaandhiga axmed xaaji cali cadami waxaa lafilayaa in lagu badalo fu,aad  aadan cade halka cadamina  lagayndoono lataliyaha madaxwaynaha ee arimaha bariga

12;Mareeyaha wakaalada biyaha,Ibraahim siyaad waxaa lafilayaa in lagu badalo Axmed cali dable

Waxa kale oo iyana wax ka badal lagu sameeyo lafilayaa taliyayaasha ciidanka boliska iyo ka qaranka

ISKU BADALKAN BALAADHAN AYAA LARAJAYNAYAA INAY DAWO U NOQOTO ISQABQABSIGA WASIIRADA IYO AGAASIMAYAASHA, TALIYAYAASHA CIIDAMADA IYO ABAAN DUULAYAASHOODA OO CURYAAMISAY SHAQADII QARANKA, HADII MADAXWAYNE SIILAANYO KA DHABEEYO ISKU BADALKAAS   BULSHADU FILAYSAY TAAS OO SOBOB U NOQON DOONTA KAL SOONIDA SHACABKA MARLABAAD HANTO  UNASAA MIXI DOONTA INUU MAR LABAAD BULSHADU DOORATO ISAGOO AH MUJ MUDO BADANA BULSHADA SOO HOR TAAGNAA XAQBADANA KU LEH

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS