|
|||||
WAJAALE NEWS
Iskahorimaad Saaka Ka Dhacay Deegaanno Ku. Yaalla Duleedka Balcad Ee Shabeellada dhexe
February 2, 2014 - Written by Wariye:
Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ciidamada dowladda ay saaka weerar ku qaadeen dhul beeraley ah oo ku yaalla duleedka Balcad, sida u sheegay nabaddoon C/llaahi Maxamed Xasan oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka la weeraray. “Waxaa saaka dhacay dagaal, waxaa dhintay saddex qof, laba qofoodna way dhaawacmeen, waxaana la isku haystaa beerta Yaaqle halka loo yaqaan,” ayuu yiri nabaddoon C/llaahi Maxamed oo intaas raaciyay in weerarkan uu ahaa mid ay maamulku soo qaadeen. Nabaddoon ayaa hadlakiisa ku daray in ciidamada weeraray dhul beereedka uu horkacayay guddoomiyaha degmada Balcad Cismaan Maxamed Xaadoole ayna dib u riixeen degmada, iyadoo deegaanka ay ku sugan yihiin shacabkii hubeysnaa. Lama oga sababta rasmi ah ee dagaalkan dhalisay, balse maalmahan waxaa socday ololayaal uu maamulku kaga dalbanayay beeraleyda degmada inay bixiyaan canshuuraha looga baahan yahay, taasoo beeraleydu ay dhowr jeer diideen. Maamulka degmada Balcad ayaan weli ka hadlin dagaalka saakay ka dhacya duleedka degmada ee u dhexeeyay ciidamada maamulka iyo dad hubeysan, iyadoo dagaalkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ka dhaca degmadaas. Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa 30-km waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho, waxayna ka tirsan tahay gobolka Shabelellada dhexe, iyadoo ka mid ah degmooyinkii sannadkii hore laga qabsaday Al-shabaab.
Wajaale News Related posts:Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo La Layeeshay Safiirka Somaliland Ufadhiya Maraykanka Iyo Arimaha... Daawo: Xisbiga Wadani Oo Ka Dhawaajiyay In Ay Maxkamada La Tiigsanayaan Tv-Ga Qaranka Iyo Radio Harg... Tiro Lagu Qiyaaso 955 Qof Ayaa Ku Xayiran Mid Ka Kimada Gododka Dahabka Laga Qodo Ee Dhulka Hoostiis... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|