Isbarbar dhig dhinaca wararka xukuumadda hadda joogta iyo Tii Hore xukuumaddan siraheedu Banaanka ayay Yaalaan Waa Maxay Sababtu? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isbarbar dhig dhinaca wararka xukuumadda hadda joogta iyo Tii Hore xukuumaddan siraheedu Banaanka ayay Yaalaan Waa Maxay Sababtu?
February 23, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS ;Qormaddani Waxay ku Saabsantahay Xogaha ay Saxaafaddu hesho ama siraha Qaranka ee suuqa yaala waxaynu odhan karnaa Xukuumaddani hadda jirtaa wararkeedu dibadda ayay ceegaagaan halka xukuumaddii uu rayaale madaxweynaha ka ahaa ad moodo waxyar mooyaane ka siro Badnayd aan wararka suuqa loogu iman jirin taasina waxa u sabab ah markii aanu u gundo degnay Masuuliyiinteeda Xukuumadda ama wasiir ha ahaado ama agaasime kuwo qurbo jooga ah ayaa huteeladda magaaladda keena .

Maaha Wax cidna ka qarsoon Warka Gudaha Madaxtooyadda Yaala iska daa Wasaarad kastee saxaafadduna waa Mid ay dul hoganayaan Wararku haddaba Masuuliyiintaasi Maxaa ugu jira Faafinta Siraha Qaranka?
Lama Garanayo sababta Rasmiga ah ee Masuuliyiin xilal ka haya xukuumaddu ay suuqa usoo wadhaan siraha gudaha madaxtooyadda ka aloosan iska daa Meelaha ay Madaxda ka yihiin wixii baylah ah ee ka jirana sidaasi oo kale ayay u fashiliyaan .
Waxaa Maalmahani soo Ifbaxaysa Isku shaandhayn uu soo Waddo Madaxweynuhu oo ay fashiliyeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumadda oo huteel kasta ka sheegaya waxaanay sheegayaan Rag Tiro badan oo xilal laga qaadayo kuwo wasaaraddo kale loo bedelayo iyo maareeyayaal xilalka laga qaadayo iyo agaasimayaal guud oo laga fadhiisiinayo.
Inkasta oo warkaasi aanu ahayn sheeko Mafrasheed ama xogaha mafrashyadda waa Xogo u dhuundaloola Madaxtooyadda iyo masuuliyiinta uu igmaday ee xilka haysa kuwaasi oo huteel kasta kaga sheekaysanaya arrintani.
iyadoo xogtani aanu haynaa sheegayso inaan la hubin in isku shaandheynta xukuumaddu soo waddo inay shirweynaha Kulmiye ka horeyn doonto iyo inay ka danbeyn doonto haddana waxaa la sheegayaa inuu Madaxweynaha ay diyaar u tahay isku shaandheyntaasi waxaanan aanu haynaa nuqul ka mid ah balse masoo bandhigayno haddii kale waxay noqonaysaa arrin laga hor dhacay waxaanan ku daynaynaa saadaal guud ……
Qalinkii Mohamed mussa inji
Hargeysa
Somaliland
mahamad95@hotmail.com

COMMENTS
LINKS