Hay’adda U Doodda Xuquuqda Aadanaha Ee Amnesty International Oo Dawlada Kenya Ku Ee Daysay Inay Cadwtinimo Uqabto Qaxootiga Soomaalida Ee Degan Dalkeeda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda U Doodda Xuquuqda Aadanaha Ee Amnesty International Oo Dawlada Kenya Ku Ee Daysay Inay Cadwtinimo Uqabto Qaxootiga Soomaalida Ee Degan Dalkeeda.
February 20, 2014 - Written by Wariye:

qaxooti kiinDowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa heshiis la gaadhay laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, kaas oo sheegayay in qaxootiga dib looga celiyo Soomaaliya.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa Kenya ku eedeysay inay si sharci darro ah ugu qasbaysa qaxootiga inay dib u noqdaan.

Waxay sheegtay in dowladda cadawtinimo u muujisay qaxootiga Soomaaliyeed.

Amnesty ayaa sheegtay inay la hadashay qaxooti Soomaaliyeed oo u sheegay in noolosha ay cidhiidhi ku noqotay oo aanay sii joogin karin Kenya.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa heshiis la gaadhay laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, kaas oo sheegayay in qaxootiga dib looga celiyo Soomaaliya.

UNHCR waxay sheegtay in la celin doono dadka doonaya inay noqdaan oo kaliye.
Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay in xeerarka caalamiga ee qaxootiga la raaci doono marka la celinayo qaxootiga.

Ololaha ka dhanka ah qaxootiga ee Kenya waxaa uu billawday kaddib weerarkii lagu qaaday xarunta duukaamaysiga ee Westgate.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu ka dambeeyay weerarkaas.

Ugu yaraan 67 ruux ayaa ku dhimatay weerarka lagu qaaday Westgate

Wajaale News
Hargasya Office
Email:wajalenews.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS